War Deg Deg Ah: Ciise Kambooni Iyo Ilaaladiisi Oo Lagu Xasuuqay Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Waxaa bartamaha Magaalada Kismaayo hadda lagu toogtey Sarkaal ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo 4 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa fuliyeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan.

Kooxaha dilka geystey ayaa la sheegayaa inay ka baxsadeen meeshii ay dilka ka fuliyeen,waxaana la xaqiijiyey geerida Sarkaalkaasi iyo 4 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa,waxaana sarkaalkaasi lagu magacaabi jirey Ciise Alaaki isla markaasna ku magac dheera Ciise Kambooni.

Ciise Kambooni ayaa mid ahaa saraakil magaalada Kismaayo ku sugnaa isla markaasna u ku magacawnaa Taliyaha Ciidamada nabad sugidda Maleeshiyaadka Raaskambooni,Magaalada Kismaayo ayaa noqotey meel inta badan dadka lagu toogto isla markaasna aan la aqoonsan cidda ka dambeysa dilalkaasi iyadoo inta badan ay magaalada dilalka qorsheysan ka fuliyaan Maleehsiyaadka Raaskambooni

Ugu dambeyntii Maleeshiyo beeleedka Raaskamooni ayaa la sheegayaa inay hadda magaalada Kismaayo gudaheeda ka bilaabeen hawlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihi dilkaasi fuliyey,waxaana la sheegayaa in kooxda dilkaas fulisay ay ka baxsadeen meeshii ay dilka ka geysteen.