Dhageyso: Ugaas Cabdi Daahir “Magaalada Kismaayo Waxaa Ka Socda Isir Sifeeyn”.

0

Kismaayo(AGGM) ; Odayaasha iyo waxgaradka ku nool Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose,ayaa ka cabanaya Xasuuq ay sheegeen in Maleshiyada Axmed Madoobe ay ku hayaan dadka Shacabkaa ee ku nool Kismaayo.

Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah,waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in waxa ka socda Magaalada Kismaayo,aan indhaha laga qarsan Karin islamarkaana Maleeshiyada Raas kambooni ay Dadka Shacabkaa ay beegsi ku hayaan.

“Dadka Maleeshiyada Raas kambooni ay Beegsiga ku haayaan waa kuwa aan Taageersaneyn  Axmed Madoobe,Maalin aan Magaalada dad lagu dilin maleh,taas waxaa dheer Dhaca,Afduubka iyo Jirdilka Shacabka lagu hayo”ayuu yri Ugaaska.

Ugaas Cabdi Daahir ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka in ay wax ka qabtaan Xasuuqa Maleeshiyada Axmed Madoobe ay ku hayaan Dadka Shacabkaa eek u nool Magaalada Kismaayo.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Ugaaska

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com