Maqaal: Walaalow Waxaan Kuu Sheego Been Ha U Qaadan, Waxaan Ku Siiyana Baad Ha U Qaadan! W/Q. War-badan Oge.

0

Bishii kowaad ee sanadka 2014ka, waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka dhacay shir lagu heshiisiinayey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo nidaamka isku magacaabay Soomaaliland.

Qodobbadii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa, in Soomaaliland looga garaabo khaladaadkii ay ka gashay dawladdii milatariga ahayd ee dalka ugu dambeysey dawlad dhexe.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa garawshahaas dhiillo ka muujiyey, waxayse u eg-tahay in dawladda federaalka ahu ku adkeysanayso inay wax kasta u hurto raalli galinta Soomaaliland si midnimadii dalka loo soo celiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee nidaamka Soomaaliland Dr.Biixi wuxuu qiray in garawshahaasu yahay guul siyaasadeed ee Soomaalilaand u soo hoyatey. Xaqiiqdii sidaas waa tahay (ninkii garanayaa, garanayee).

Haddaba, Soomaaliland ma dayicin ka faa’iideysigii garawshii aan garnuqu ka harreyn ee ay sida sahlan uga sab-sabatay dawladda federaalka ah. Toddobaadkii u horreeyey bisha labaad ee sanadka 2014, waxaa war isgaarsiinta Soomaalidu qoreysey, in Soomaaliland soo qiimaysanayso wixii naf iyo maal uga dhumay dagaalkii 88-dii ka dhacay gobolada waqooyi.

Sidii wax u dhaceen.

SNM oo hubaysan waxay xoog ku soo galeen magaalooyinka waaweyn ee waqooyi galbeed.

Waxay hubkii la galeen gurhiyihii qoysaskoodu ku noolaayeen.

Intaas kuma ekaane waxay weerar kulul ku qaadeen xeryihii Ciidamada.

Askartii waxay ku qasbanaadeen inay awooddooda istcmaalaan.

Waxaa dhacay wax-yeello aan lagu farxin oo soo gaartay dadkii shacabka ahaa.

Waxaa dhimashada ka darnaa barakicinta.

Bur-burkii Qaranka.

Jabkii qarannimada Soomaalia waxaa guul weyn u arkayey, jabhaddii lagu magacaabi jiray SNM, iyo qabiilka Isaaq gabi ahaantiba. Qoraagu uma arko inay sax tahay!.

Ciidamadii qaranku waa jabeen, waxay noqdeen wax carara iyo wax la qab-qabtay. Waxaa gacanta Isaaq galay askar reer koofureed iyo reer galbeed ah oo aad u fara badan.

Waxaa sidaas oo kale gacanta Isaaq galay dad badan ee qaxooti ahaa.

Waxaa la sheegayaa in wixii dad ahaa ee gacanta Isaaq galay intii koox koox la isugu xir-xiray qoorta loo dheereeyey oo xabaal wadareed lagu aasay.

Waxaa kaloo la sheegayaa in xitaa dadweynaha arrintaas laga qariyey.

Dadkii Isaaq ee koofur ku go’doomay iyagoo carrurahoodii wata ayaa la soo gudbiyey, laakiin lama arag hal qoys oo intii waqooyi ka yimid koofur soo gaaray. Taasuna shaki ayey keeni kartaa.

Maxaa isaaq rabaa?

Waxay rabaan inaan la soo qaadin khaladkii SNM gashay gabi ahaanba.

Waxay rabaan in xuquuqdii dawladdi markaas jirtey u lahayd inay difaacdo qarannimada iyo midnimada Soomaalia meesha laga saaro oo laga dhigo waxaan jirin.

Waxay rabaan in wixii laga laayey ay buun-buuniyaan, wixii ay laayeenna kab-daallin ka faniintay laga dhigo.

Waxay rabaan in si tuugmo ah lagu soo cesho, si ay mar-kasta handadaad joogto ah qaranka Soomaaliyeed ugu hayaan.

Waxay rabaan inay cad-siyaasadeed dheeraad ah ku helaan garawshaan gar-darada ah.

Waxay rabaan inay qabiilaadka la daggan liqaan oy magacooda ku qaraabtaan.

Haddii la kala tago ayaa lulanaya.

Ma jiro qabiil ka faa’iidaya kala tagga Soomaaliya. Waa dad garaad iyo xoolaba ka faqri ah, waxaana u roon inay isku ceeb-qarsadaan. Markii hadal haynta qabiilaadka kale la waayo, ayaa qabiil kastaa dhexdiisa isku jeensanayaa oo toban firqo u kala baxayaa.

in kasta oo Isaaq ka mid ayahay qabiilaadka Soomaalida ugu cad-cad, haddana waxaa xaqiiq ah inay noqonayaan qabiilka ugu saamaynta badan kala tagga Soomaaliya, sababaha soo socda dartood:-

Waxaa la daggan dad aan dooneyn inay la go’aan.

Ma hayaan cudud dhaqaale iyo mid ciidan ee ay ku cabburin karaan dadyowgaas.

Hadda waxay ku socdaan caaddifadda ah reer koofur ayaa na qaadanaya ee aan iska celinno, laakiin markii faraha laga qaado ayey ka dhici doontaa tee-dheerayd. Arrintaasu haddayba bilaaban tahay.

Waxa Isaaq ku kala badbaadi karaa waa Soomaali weyn dhexdeeda.

Dawladdu yey ka darin iyadoo rabta inay ka rayso.

Dhaqanka siyaasaddu waa ogol yahay in eed-taagan dawlada hore dusha laga saaro si mashaakil taagan looga gudbo, laakiin waa in si aad ah looga taxadiraa in ayna eeddaasu xujo joogta ah qoorta u galin dawladda markaas joogta iyo dalka guud ahaanba.

Marna yaan laysku dayin in been iyo xaqdaro cid lagu raalli galiyo. Haddii taas laysku dayo iyadoo caadifad Soomaali-nimo loo habranayo, waxay keeni doontaa heshiis la’aan joogta ah, maxaa yeelay cid ayaa isa-siin doonta xaq ayna lahayn markii loo diidana waa ay caroon doonaan.

Sidee habboon in Isaaq loola dhaqmo.

Waxaa haboon in la siiyo xurmada ay mudan yihiin iyo xaqa ay lee-yihiin.

Laakiin waa inay iyana sidaas oo kale ogolaadaan (waa inay jidqaataan).

Hadday rabaan in dawladdu qaaddo masuuliyadda ka dhalatay qaladkii dawladii hore gashay, waa in Isaaq oggolaadaa masuuliyaddii ka dhalatay qaladkii SNM gashay.

Haddey rabaan inay qasaaradii loo geystey qiimeystaan, waa inay oggolaadaan, in qasaaradii ay geysteen la qiimeeyo.

Haddey ku doodayaan in wixii 60kii midoobay laba dawladood ahaayeen, ha oggolaadeen in Maxkamadda Adduunka lagu kala haro.

Haddey leeyihiin:- Annagu ikhyaar ayaan leennahay oo ciduna nama qasbi karto Soomaalina ma rabno, xaq ayey u leeyihiin, laakiin waa in ayna isku dayin in ay qabiilaad kale qasab ku haysteen.

Haddey intaas oo dhan diidaan, ha loo kaadsho, hana laga war dhawro wixii soo yeera.

Laakiin qabiilkii kale ee waqooyiga wax ka daga ee raba Soomaaliya ha la soo dhaweeyo.

Waxaa qoray:- war-badan oge.
10/02/14

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com