MAQAAL: Talo Soojeedin Madaxda Iyo Dadka Soomaaliyeed.W/Q.Abdirazak Abdulle Ali

0

Somaliya Waa Dalkaliya Oo Leh Hal diin Iyo Hal Af Ama Luqad.

Dalkeena hooyo ee somaliya waaa dalka kaliya ee leh hal af hadana ay dhamaan dadku isku dhaqanka yihiin oo aysan isku khilaafsanayn wax mabaadii ah,waa dalka kaliya ee leh hal culumo oo diinta looga daydo wallow ay jireen xiliyadii danbe firqooyinka kale ee leh waxaan nahay ducaada ka wakiil ah diinta.

Dhamaan mar oo baaritaan samee waxaad lakulmaysaa waa hal dhaqan ama hadii ay jiraan kala duwanaansho waa wax yar oo aan sidas usiiwaynayn.

Waxaan maray intadan dalka ugu yaraan 10 gobol ma arkin wax ana is iraahdo way kala gadisnayihiin.

Waa dal islaam ah 100% aan lahayn gaalo ama masixi cadaysanaya waxa u aaminsanyahay ma jirto ama maleh dalku firqooyinka xun xun isda shiicada iwm.

Waxaa dhawaan soo baxay mudo kusiman 8 sano ama wax lamid ah firqooyinka xagjirka ah ee logu talagalay in ay burburiyaan oo ay wiigqaan jiritaanka diinta ,dalka iyo dadka somaliyed ba oo cadaystay dilka bareerka ah ee arxandarada ah oo aan loo aabayeelayn sheekh,shariif,aqoonyahan,iyo dadka indhaha u ah bulshada somaliyed ee hawlaha muhiimka ah uhaya.

Marka walaal ogow sababaha jira maxaa kalifay in qof masaajid kaso baxay madaxa laga toogto laguna dhawaaqo janno ayaan kugalaynaa dib uraac oo baar sabab?

Waxaa kuusoo baxaya waxyaaba fara badan ee aad dareemi karto isfudud,=taariikhda islaamka dib umilicso kutubka taariikhda ahna akhri.

Amiirkii mu,mininta cali abii dhaalib Rc raga yaa dilay muda dheerna kutaamayay sidii ay dhiiggisa qaaliga ah dhulka ugu shubi lahaayeen talaaoyin iyo dadaal dheerna ay kadhabeeyeen,

Marka qofka somaliga ahi xagee joogtaa janno ayaan kuraadinaynaa asaxaabigii waynaa oo asaga oo aduunka jooga jannada eebbe loogu bishaareeyay kana mid ahaa khulafadii islaamka ha u arkin in uu maantay dhaho dhiigga qofka somaliga ah ayaan jannao kudoonayaa.

See looga guulaysan karaa fikirkaas?

Waxaa sahal in lasoo afjaro oo ladabar jooyo,dadka somaliyed wa dad dhiig badan,isjecel dhib iyo dheefba wada qaybsada,hadii ay usoo jeedsadaan in ay ciribtiraan waa xaqiiq in aysaa kuqaadateen 3 bilood ama kayar

1:in culumada iyo dadka aqonta leh ay kahadlaan oo ay soo bandhigaan nimankaan waxa ay yihiin iyo fikradaan meesha laga soo waariday

2:in sameeyo ciidankii qalabka siday ee jamhuurida somaliya

3:in shacbiga somaliyed meelkasta oo ay joogaan ay sameeyaan kacdooon ka dhan ah nimankaan sharwadayaalka ah

4:in madaxda dalka ay dhiira galiyaan oo ay xojiyaan xariirka shacbiga iyo dawlada kadhexeeya

5:in ay adaha sida gaarka ah wax udoona laxoojiyo oo ay qaataan feejignana dheeri ah

6:in dhamaan maamulka dawladnimo ee jamhuuriayda somaliya labaahiyo oo dalka oodhan lagaarsiiyo

7: in go,aan cad laga qaato ragga madaxda ah ee nimankaas

8: in dhalinyarada kasoo baxsada la siiyo balan qaadyo oo ladhaqan celiyo lana xanaanneeyo

9:in lagu fakaro in laga maarmo oo dalka laga saaro ciidamada shisheeye oo dib loo abaabulo ciidan xoogleh oo hanta amniga dalka oo dhan,kana madax banaan qabiil,urur iyo dad gaar ah lagana soo xulo o laga keeno dhamaan gobolada dalka oo dhan

Abdirazak Abdulle Ali
Makkah, Saudi Arabia

Abursame@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com