Dhageyso:Biyo la’aan ka jirta Gedo iyo Dad ku Geeriyooday

0

Gedo(AGGM): Wararka laga helay Deegaanka Garileey ee Gobolka Gado ayaa sheegaya in Biyao la’aan Xoogan ay ka jirto Deegaankaasi iyo Deegaanada Hoose yimaada.

Waxaa lagu soo waramayaa in Biyo la’aanta ay u sii dheertahay Cudur ka dilaacay halkaasi oo ay ka mid yihiin Shuban biyood.waxaana ugu yaraan Degaankaasi ku geeriyooday 9 Ruux oo Caruur u badan.

Gaashaanle Max’ed Cali Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta in Caruurtaasi ay intooda badan ay Biyo la’aan ay u dhinteen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Sargaal ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com