Dhageyso:Taliska Ciidanka XGS oo beeniyey in Dowladda aysan Hub ka iibin Al-shabaab

0

Muqdisho(AGGM): Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegey in golaha amaanka ee Q.M. ay ku qanceen qaabka loo maamulayo hubka ay taageero ahaan u siinayaan dowladda wixii ka dambayaay markii Soomaaliya laga qafiifiyey Cuna qabatayntii hubka ee saarnayd dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Generaal Daahir Aadan Cilmi oo ka hadlayay arinta ku saabsan warbixin hor dhac u aheyd warbixinta sanadlaha ah ee kooxda la socodka cuna qabateynta hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eretria oo sheegeysay in hubka dowladda mararka qaar suuqyada lagu iibiyo taasina ay sababto in uu hubkaasi  gacanta u galo kooxaha nabadda diidan ee argagaxisada ah ayaa sheegay in bakhaarradda hubka ee Soomaaliya amaankooda uu yahay mid sugan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in qubaro ka socotay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay yimaadeen magaaladda Muqdisho islamarkaana ay u kuurgaleen xaaladda bakhaarrada hubka ee Soomaaliya iyagoo kontrol ku sameeyeen dhamaan qeybaha hubka  sidoo kalana ay sharaxaad ka siiyeen tirada guud ee hubka yaala inta ka maqan qaabka ay ku baxeen iyo saxiixa markii hore uu hubkaasi kusoo galay.

Hadalka taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi ayaa loo arkaa inuu meesha ka saaraya wararka ku saabsanaa in hubka dowladda u gacanta u galo argagixisada.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Taliyaha Ciidamada

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com