Daawo Sawirada:Dowladda FS iyo Ethiopia oo Heshiis dhexe maray

0

Adis Ababa(AGGM): Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay dhiggiisa Ethiopia, Hailemariam Desalegn, waxayna ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dalka.

Waxay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi hor leh oo ay ka sameeyaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga, warbaahinta, duulista hawada iyo ka qeyb qaadashada horumarinta iyo tayaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta Soomaaliya iyo la-dagaallanka argagixisada oo ay sheegeen in ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la xoojinayo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoreeyo deegaannada weli ku jira gacanta kooxda.

Hailemariam Desalegn ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay mar kasta Soomaaliya la garab taagan tahay taageero dhan walba ah, isagoo rajo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysan doonto qorsheyaasheeda.

IMG_6644 IMG_6692-300x199 IMG_6721