Warbixin:QM oo Dowladda Federaalka ku Eedeysay in ay Hubka iibsato

0

Guddiga Q,M u qaabilsan dabagalka cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea  ayaa warbixin dheer oo ka kooban14 bog kagana hadleen arrimaha hubka Soomaaliya ayaa waxaa dawlada ku eedeeyeen inay is dabamarin ku samayso hubka ay hesho.

Xubno aysan guddigu magacyooda shaacin hase ahaatee ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayay warbixintu sheegtay inay mas’uul ka yihiin is dabamarinta hubka dawladu hesho.

Mid ka mid ah ragga la sheegay M/weynaha Soomaaliya ayuu ku heyb yahay waxaana uu mas’uul ka yahay wax is dabamarinta hubka Soomaaliya si gaar ah waxaa loogu eedeeyay inuu hubka dawlada gacanta galiyo hogaamiye ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo la yiraahdo Sh, Yuusuf Ciise Kabo ku tukade.

La taliyahaas M/weynaha ku heybta ah waxaa ay guddigu sheegeen inuu magaalada Muqdisho ka aas aasay maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan oo amaanka ka shaqeeya.

Guddigaan warbixintooda waxay ku xuseen in dawlada Soomaaliya ay dhawaan heshay hub ka kooban rasaas, qoryaha fudud Bambaanooyin iyo qoryaha garbaha la ganno kaasoo ka yimid wadamada Uganda iyo Jabuuti hase ahaatee uusan dawlada u xisaabsanayn sidoo kale waxaan la ogeyn ayay guddigaan leeyihiin halka uu ku dambeeyay hub ay dawlada Ethiopia dawlada Soomaaliya siisay.

Warbixintaan waxaa ay guddigu ku sheegeen in dawlada Soomaaliya ay kala kulmeen caqabado la xariira inay soo arkaan goobaha dawlada hubku u yaala dhawr jeerna laga joojiyay booqasho ay ku tagi lahaayeen goobaha dawladu hubka dhigato.

Sidoo kale guddiga dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea waxay warbixintooda ku sheegeen in wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka tirsan beesha Habar-gidir uu dawlada Soomaaliya hubka uga soo iibiyo dibadda gaar ahaan dawladaha Gacanka hase ahaatee guddigu ma aysan shaacin magaca wasiirkaas iyo wasaaradda uu hayo midna.

“Guddigu cadayn dhamaystiran ayay hayaan in diyaaraddo hub sida ay gacanka Khaleejka ka yimaadeen oo ay Muqdisho ka dageen bishii October sanadkii hore ee 2013 taasoo xad gudub ku ah cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran” ayaa warbixintaan lagu yiri waxaana ay intaa ku dartay warbixintu in markii uu hubkaas Muqdisho kasoo dagay la geeyay goobo gaar ah oo aysan dawladu laheyn.

Warbixintaan oo lagu qoray wakaaladda wararka Reuters iyo warbaahin kale ayaa waxaa lagu sheegay in badi hubka ay hesho dawlada Soomaaliya loo qaybsado hab beeleed kadibna uu Al-Shabab u gudbo

Sidoo kalena hubka dawlada ayaa si cad loogu iibiyaa suuqyada hubka ee Cir-toogte loo yaqaan oo Muqdisho ku yaala.

Guddigaan ugu dambeyn waxay talo ahaan usoo jeediyeen in ka hor inta aan la qaadin cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran la hubiyo halka uu maro hubka dawlada Soomaaliya iyo gacanta uu ku dhaco.

Golaha amaanka ee Q,M oo Soomaaliya xanibaad xagga hubka ah kusoo rogay sanadkii 1992,kii ayaa dhawaan mar qafiifiyay una ogolaaday in dawlada Soomaaliya ay hub aan badneyn keensan karto.

M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud bishii lasoo dhaafay mar uu la hadlay wakaaladda wararka Reuters waxaa uu dalbaday in la fududeeyo cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran si ay ciidamada dawlada u helaan hub ku filan oo ay Al-Shabab kula dagaalamaan.

Xigasho- Reuters