Maleeshiyada Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Weerarkii garoonka Muqdisho

0

Iyadoo maanta qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradah Muqdisho ayaa waxa arintaasi siyaabo kala duwan dadweynaha uga hadleen amni xumada kusii baaheysa magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaana uu beegsaday gaari ay la socdeen saraakiil cadaan ahaa sida ay sheegteen Al Shabaab oo iyagu xaqiijiyey in weerarka ay ka dambeeyeen.

Afhayeenka dhinaca howlgalada C/casiis Abu Muscab oo warbaahinta Afkooda ku hadasha war siiyey ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen qaraxaasi sida uu hadalka udhigayna ay dileen seddex sargaal oo katirsanaa Qaramada Midoobey.

Isha ku hay Allgalgadud Media

Allgalgaduud@gmail.com