Kufsiga oo la sheegay in uu Soomaaliya uu Caadi ka noqday

0

Hay’ada xaquuqda aadanaha u dooda ee HRW ayaa war bixin ay maanta soo saartay ugu baaqday xukuumada Somalia ee cusub in ay qaado talaaboyin cusub oo la taaban karo laguna xakameenayo gacan ka hadalka Jinsiga ku saleysan oo Somalia ku baahaya tan iyo sanadii tagtay,Hay’ada ayaa sheegtay in haween iyo gabdho da’yar ay la kulmeen kufsi iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah oo uga yimid ciidamada xukuumada Somalia.

Liesl Gerntholtz,oo ah agaasimaha xaquuqda aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in haween iyo gabdho badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin cabsi joogta ah oo ku aadan falalka kufsiga lagula dhaqaaqo waxana xukuumada Somalia lagu eedeyey in aysan fulin talaaboyin ay horey ugu dhawaaqday oo ku aadana in ay badbaadin doonto haweenka ayna wax u qabanayso dhibanayaasha.

War bixinta HRW oo ka kooban 72 safxadood ayaa cinwaan looga dhigay kufsiga oo caadi ka noqday Somalia,hay’ada ayaa ugu baaqday xukuumada Somalia iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah in ay dajiyaan istiraatijayad  looga taqalusaayo Kufsiga Somalia ku baahaya iyo in la gar gaaro dhibanayasha falkaasi ka badbaaday.

Xogtaani uruurinteeda ayaa waxa ay soo bilaabatay bishii Agust sanadii 2012-kii.

Dhacdooyinka kufsiga ah ayaa waxa uu badankiisa ka dhacay gobolka Banaadir oo ah goob ay maamusho dowlada Somal

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com