Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Iscasilay

0

Gaalkacyo(AGGM):Bile Bashiir Caynab oo Xilka Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ahaa Kow Iyo Tabankii Bil Ay udanbaysay ayaaKu Dhawaaqay In Xilkaas uu Iska Casilaya

Inkastoo Uusan Bile Sheegin Sababaha Rasmiga ah ee oo xilka kaga tagay ayaa haddana warar qaar ayaa sheegaya in Cadaadis kaga imaaday Madaxweynaha Galmudug C/xasan Cawaale Qeybdiid kaa oo ku aadanaa in Bile uu Ka Gaabiyay Shaqadii loo Igmaday

Bile Bashiir Caynab oo 17kii Bishii Feb ee Sanadkii 2013kii loo Doortay Xilka Duqa Degada Gaalkacyo ayaa muddaii uu xilkaas hayay qabtay waxyaaba Badan oo lataaban karo waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qabtay ayaa waxaa kamid ah in Dowladda  hoose ee gaalkacyo u sameyay Xarun ay Ku Shaqayso sidoo kalana Ka bilaaway Magaalada Gaalcyo in Cashuur Laga qaado markii Ugu horeysay

IscasilidaBile Bashiir Caynab Kadib ayaa Xilkaas Waxaa isu soo Taagay Masuliyiin Xilal Ka haayo Maamulka Galmudug Oo uu kamid yahay Duqii Hore Ee Degmada Gaalkacyo Saciid Salaad Cilmi(Bulbul) sidoo kale waxaa xilkaas isu soo sharaxay Bile Diini Cali Oo ah Agaasimaha wasaaradda Maaliyada Galmudug Iyo Mahad Maxamed Gaaraxo Oo asgana ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Armiha Gudha Io Amniga Galmudug

Iscasilaada Bile Caynab Duqii Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug ayaa Sidoo kole Shaqo Ka tagistiisa loo sababeynayaa Khilaafka Ka Dhex Jira Maamulka Galmudug Kaas Oo ragadiyay Horo u socdka Maamulkaas Aydoona ay Xilka Madxtinimada Maamulkaas Isu Haystaan C/xassan Cawaale Qeybdiid Iyo Maxamuud Cilmi Tima Kala Jeex

 

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com