Kenya oo ka dalbatay Dowladda Soomaliya inay soo dirsato gudi

0

 

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Joseph ole Lenku ayaa ugu baaqay dowladda Somalia in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo magacowdo gudiga ugu qaabilsanaan doona soo daabulida qaxootiga Soomaalida eek u xugan xeryaha qaxootiga dalkaasi.

Joseph ole Lenku ayaa sheegay in heshiiskii 3-dhinc laha ahaa ee Kenya,Hay’ada Qm arimaha qaxootiga u qaabilsan iyo dowladda Somalia labada dhinac ay gudiyadooda soo magacaaben halka ay hada sugayaan oo kaliya gudiga dowlada Somalia.

“Somalia hada waxa ay gacta ay saartay wadadii ay xasiloonida ugu soo laaban laheyd qaxootiga Somalida waxaan u rajeenayaan in si aamin ah ay dalkooda dib ugu laabtaan si ay ugu gogol xaaran hor marka iyo kobaca dhaqaale dalka somalia”sidaasi waxa saxafada u sheegay Joseph ole Lenku wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya.

In kabadan 20,000 qof oo qaxooti Somalia ah ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen dalka Somalia.

Joseph ole Lenku ayaa shegay in Kenya ay lacago badan uga baxday sidii ay uga hortagi laheyd amni darida kusii baaheysa dalkaasi.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com