Ciidamada AMISOM oo Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Ka Wada Gobalka Gedo.

0

Garbahaarey (AGGM): Sida ay shegayaan Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay ka soo gudbeen xuduuda, iyadoo ciidamadaas labo dhinac isu kala qeybiyay.

Sida ay sheegayaan wararka cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiyaanka ee ka mid noqday howl galka AMISOM ay u gudbeen magaalada Baydhabo, halkaasoo dhowaan ay kala wareegeen Ciidamada Brundi iyo Uganda ee horay ugu sugnaa magaalada.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa gaaray degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda ay xaqiijiyeen inay iska kaashanayaan howl gal ku wajahan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo labada degmo ee Gobolka Gedo kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ku dhowaadeen deegaano hoos taga degmada Baardheere, waxaana saacadihii la soo dhaafay degmadaas ka jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqayay inay ka qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Itoobiyaanka, waxaana dadka masaajidada kala hadlay Saraakiil uu ka mid yahay Sheekh Fu’aad Shongole oo sheegay in Itoobiyaanka shaarka soo bedesheen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in inta badan saraakiishii u sareysay Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Baardheere, iyadoo lagu soo waramayo in gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ay ku qul qulayeen duleedka Baardheere.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabaya gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo ah saddexda gobol ee loo qorsheeyay, kadib markii todobaadyo ka hor ay ka mid noqdeen howl galka AMISOM.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in dhowaan howl galo ballaaran ka dhici doonaan gobolada dalka, kadib markii la kordhiyay tirada ciidamada, isla markaana la kordhiyay qeybaha ciidamada AMISOM ka howl galayaan oo qorshuhu yahay in sanadkan Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com