Dhageyso+Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad looga hadlayay horumarinta kalluumeysiga dalka.

0

Muqdisho, February 10, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo looga hadlayay horumarinta kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa lagu casuumay iskaashatada kalluumeysiga gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Colow Barrow, waxaana wasiirka oo goobta ka hadlay uu xusay in wasaaraddiisu ay xooga saari doonto tayeynta iyo horumarinta hay’addaha ku shaqada leh kalluumeysiga, isla markaana loo fududeyn doono ganacsatada inay soo saartaan kheyraadka badda, ayna u iibgeeyaan dalka dibadiisa iyada oo laga qafiifinayo canshuurta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidadada ay kheyraadka badda u leedahay dalka, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in innaga oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,333 km in maalin kasta ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku dhintaan gudaha badda iyaga oo ka baxsanaya dalkooda kheyraadka faraha badan alle ku maneystay.

“Ma jirto sabab ay dhalinyaradeenu ugu dhintaan maalin kasta baddaha iyaga oo u cararaya wadamo shisheeye, waxaan leenahay kheyraad fara badan oo alle na siiyay, baddeena waxaa la yiraahdaa waxaa ku jira in ka badan 6,000 oo noocyo kala duwan oo noole ah, kuwaasoo dhamaantood waxtar u leh bulshada, dhanka ganacsiga iyo dhanka adeegsiga, inyar oo kaliya ayaan ka faa’iideysanaa kheyraadkaas, waana in bulshadu ku baraarugtaa wax soo saarka dalka iyo muhiimadiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad siineyso kobcinta iyo horumarinta kheyraadka dalka, sida kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo qeybaha kale ee dalku hodanka ku yahay si loo helo bulsho wax-soosaar leh.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa carabka ku adkeeyey in sidoo kale xukuumadu ay xooga saari doonto sidii loo sugi lahaa amniga, loona xasilin lahaa dalka si dhamaan gobolada dalka ay shacabku awood ugu yeeshaan inay si xor ah u horumariyaan kheyraadkooda.

IMG_6158 IMG_6149 IMG_6139 IMG_6074

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com