Madaxweynaha Somalia oo ka jawaabay Hadal ka soo baxay Mareykanka

0

Muqdisho(AGGM): Kadib markii agaasimada sirdoonka qaranka dalka Mareykanka James Clapper uu ku sheegay hogaanka Somalia weli in ay yihiin kuwa aan hooganeen ayaa hadalkasi waxa si kulul uga jawaabay madaxweynaha jamhuuriyada Somalia Xasan Sheikh Maxamud.

Isagoo wareysi siinayay madaxweyne Xasan Sheikh jariidada Financial Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in uusan garaneny ilaha rasmiga ah ee agaasimaha sirdoonka Mareykanka uu kasoo xigtay in hogaanka Somalia ay yihiin weli kuwa aan awood laheyn.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa difaacay siyasada dowladda Somalia waxana uu shaaca ka qaaday in James Clapper nafsad ahaantiisa uu soo boqan karo Somalia si xaalada ka jirta dhulka Somalia u arko.

Jariidada Financial Times ayaa qortay sido kale in madaxweynaha Somalia uu wax ka yar 1-sano uu la tacaamulayo wax ku dhow 4-gudoomiye oo masul ka noqda bankiga dhexe Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa wareysigisa sido kale ku sheegay in meel eber ah ay wax ka bilaaben.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in waqtigaan aysan habooneyn in masuul sare oo ka tirsan dowlada Mareykanka uu jeediyo eedeynta noocani oo kala ah.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com