Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland ka hor aaska Qaran -“ Quluub mid ah oo murugaysan ayeynu ku sagootinaynaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen”

0

Muqdisho, February 6, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey, kaasi oo ka qaybgeli doona aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo berri oo jimce ah lagu duugi doono magaalada Muqdisho.

Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ee maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiin, hoggaamiyayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo xubno ka mid ah golayaasha maamulka Puntland, waxana soo dhoweyntooda ka qaybgalay golayaasha Dawladda Federaalka, siyaasiyiin, isimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ka hor aaska iyo sagootinta qaran ee berri loo samayn doono marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya wafdiyo ballaaran oo ka kala imanaya gudaha dalka iyo dibadda.

“ Maanta waxaan magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay walaalaha Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali , waxana wafdigu ka qaybgelayaa aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

“ Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa xorriyadda Soomaaliya iyo siyaasi qaran oo dadka mideeya, waxa uu hore ugu sifoobey maamul-wanaag iyo waddaninimo, isagoo ku caanbaxay karti iyo hufnaan, waxa aynu meydkiisa ku sagootinaynaa quluub mid ah oo murugaysan. Maadaama uu ahaa hoggaamiye dadka mideeya, aaskiisuna waxa uu noqonayaa mid inna mideeya” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalantay xorriyadda Soomaaliya, kadibna waxa uu noqday siyaasi, isagoo xilka Ra’iisul Wasaaranimada hayey sanadihii 1964-tii ilaa 1967-dii ee nidaamkii dawladihii rayidka, waxana xukuumaddii uu madaxda ka ahaa ay la dagaalantay musuqmaasuqa, iyadoo ku caanbaxday ereyada “ Karti iyo Hufnaan”.

DHAMAAD

Cabdirashiid Muuse Siciid
Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM, @AbdirashidMuse

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com