Faah-faahin:Nin Ganacsade Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Hal qof uu ku dhintay, mid kalena uu ku dhaawacmay weerar ay koox hubaysan xalay ku qaaddeen dukaan ku yaalla xaafadda Via Af-madow ee magaalada Kismaayo.

Qofka dhintay oo lagu magacaabi jiray Shanle wuxuu ahaa mulkiilihii dukaanka la weeraray.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Warbaahinta in rag hubeysan oo soo duubtay wajiyada ay dhac u geysteen hantidii taallay dukaanka.

Horjooge Axmed Saalim oo kamid ah maleeshiyada Raaskambooni ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno, si loo soo qabto kuwii ka dambeeyay falka.

Isku soo wada duuboo dilalka kale ee ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa noo suurogalin inaan ka helno warar faah faahsan.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com