Cabsi Xoog Badan Oo Ka Jirta Gobolada Koonfurta Soomaaliya Oo Islamarkaana U Baahan In Laga Hotago.

0
Beryahaan danbe waxaa buuq aad iyo aad u badan uu ka jira ee Goboladda Koonfurta Soomaaliya sida: Bay, Bakool, Gedo, Jubbadda Dhexe, Jubbada hoose, iyo Shabeeleda Hoose taas oo ku saabsan Qaabka maamul u sameeynta Maamul Goboleed yada la rabo in Dalka Soomaaliya laga hirgeliyo tan kale waxaan horey u sheegay in Shacbiga Soomaaliyeed aysan weli fahmin Nidaamka Federaalka ah taaso hadda soo if baxaysa waxaana ka dareemeysa Qaabka wax loo wado.
Siyaasiin iyo Xildhibaano caan ah ayaa waxay wadaan qorshe lix Gobol maamul loogu sameeynayo oo hadda ka socda Baydhabo , sidoo kale waxaa jira qorshe kale ay wadaan Xildhibaano iyo siyaasiin oo ku saabsan 3 Gobol oo Maamul lugu Sameeynayo oo Isagana ka socda Baydhabo, sidoo Kale waxaa jira Maamul goboleed ka kooban 3 Gobol oo La yiraahdo Jubbaland oo uu Madax ka yahay Axmed Madoobe.
Markii aad si fiican aad u fiirsato sida ay wax u socdaan wuxuu keeni kara Dagaal oo ka dhaca koonfurta Soomaaliya oo ku saabsan in Koox walba ay hirgeliso waxa ay wado tan kale waxaa la yaab leh in Dowladda Soomaaliya dhexdeeda ay lug ku leedahay dhibka ka taagaan Goboladda Koonfurta Soomaaliya maxaa yeeley waxaa dhibka wado waa Xidhibaano iyo Wasiiro oo mid walba koox wato.
Shacbiga Soomaaliyeed iyo Dhammaan Madaxda ugu sareeyso Dowladda waxaan ugu baaqaya in dhibka ka soo Socda Goboladda KoonFurta soomaaliya laga hortago isla markaana wax laga qabto Siyaasad xumida ka jirta Gobolaadaas.
Koley Aniga dareen culus ayaa i galay oo ku saabsan in ay soo socoto Dagaal ku saabsan Qabiilo iyo Maamul Goboleedyo iska soo horjeedo oo ka dhici raba Koonfurta Soomaaliay mida kale 22 kun ee Ciidamadda Afrikaanka ee hadda dalka joogga waxba kama qaban karaan dhibka ka taagaan Goboladaas ogow Dalka waxaa iska leh Soomaali.
Fadlan halaga hortago Siyaasad Xumidda ka socota Goboladda koonfurta Soomaaliya taaso keeni karta in dalka oo dhan ay ku baahdo qalaalaso siyaasadeed.
Fiiro Gaar ah: Aniga ha ii arkin in aan ahay Qof ka soo horjeeda Maamul Goboleed ama Federaal ee waxaan ka soo horjeeda Siyaasad Xumida maanta ka jirta Dalka Soomaaliya oo dhan.
 
Waa Mahad san tihiin Dhammaaan
 
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi KenyaIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com