Al Shabaab Oo La Ogaaday In Dhaqaale Xoog Leh Uu Ka Soo Galo Ka Ganacsiga Foolka Maroodiga.

0

Kooxda Al-shabaab ayaa la ogaaday in dhaqaale xoog leh uu kasoo galo ka ganacsiga foolka Maroodiga kaasoo loo iibgeeyo wadamo ku yaaka Africa iyo Asiya.

Wargayga The Independent ee kasoo baxa caasimadda dalka Britain ayaa lagu daabacay warar sir ah oo laga helay kooxda Godane, taasi oo ku aadan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka ganacsatada ah.

Agaasimaha guud ee ururka la magac baxay ka hortagga dabar goynta Maroodiyaasha (The Elephant Action League) oo lagu magacaabo Anadarea crosto oo waraysi siiyay wargayska The Independent ayaa waxaa uu ku andacooday in kooxda Godane lacago badan oo baad ah bishiiba ay ka soo gasho ugu yaraan Sedex tan oo foosha Maroodiga ah tasoo si sharci daro ah loogu dhoofiyo wadamo ku yaala qaaradaha Afrika iyo Asiya.

Andrea Crosta, wuxuu intaasi ku daray in ay heleen warbixinno ku adaan arimahaan oo waliba si faahfaahsan ay ufaafin doonaan goor dhow, sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay iska warhayaan kooxo ku dhexjira ragga Godane uu u xilsaartay arimaha dhaqaale ee ku aadan Foosha Maroodiga.

Haddaba foosha Maroodiga ayaa ah mid ganacsi badan ay ka sameeyaan dadka, waxana lagu qayaasaa in caalamka lagu kala iibsado halkii kiilo oo Fool maroodi ah lacag dhan 50 ilaa 100 doolar, warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay dadka ugaarsado Maroodiga si ay ugala baxaan foosha inay dileen 22kun oo Maroodi.

Lakiin kooxada Godane ayaa waxay baad ka qaaddaa ganacsiga nuucyadiisa kala duwan badda iyo berigaba waana waxyaabaha ay ku caan yihiin in shacabka ay ka qaataan lacago baad ah, iyagoo ka dhiganayo wax diin ku saleeysan ciddii lacagahaasi baadda ah bixin wayso ama sheegto in ay xaaraan tahay qudha ka jara kooxda daacada u ah Axmed Cabdi Godane.

ivory

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com