Shirkada Hormuud oo Fulisay Amarkii Maleeshiyada Al-shabaab

0

Muqdisho(AGGM): Shirkada Hormuud oo ka mid ah Shirkadaha Isgariisinta Dalka ayaa maanta Guud ahaan joojisay adeegii Internetka ee Taleefanada Gacanta ,kadib markii dhawaan Maleshiyada Al-shabaab ay ku Amreen in Hormuud ay Adeegaas joojiso.

Mas’uuliyiin  ka tirsan Shirkada Isgaariisnata Hormuud oo ay la xariirtay Allgalgaduud Med ayaa sheegay in Adeegii  Internetka ee Taleefanada Gacanta ay gabi ahaanba jareen Daruufo soo wajahay Awgeed.

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Saacado ka hor is weydiiyey,in Internedkii Taleefanada Gacanta ee Shirka Hurmuud ay Cilad ku timid iyo in la jaray,ayagoona markii danbe ka war helay in Shirkadu ay u hogaansatay Amarkii Maleeshiyada Al-shabaab.

8-dii Bishii Janaayo ayaa Maleeshiyada Al-shabaab waxaa ay  ku Amreen Shirkada Hormuud in ay Joojiso  Adeega in Internedkii Taleefanada Gacanta,ayadoona Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hadii Shirkada Isgaariista ay Amarkaasi u hogaasamaan aysan ka Shaqeeyn doonin Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com