Talyaaniga oo Qaati ka Taagan Tahriibayaasha Afrika ka imaanaya

0

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dalka Talyaaniga Filippo Bubbico ayaa sheegay in dawladiisu walaacda ugu badan ee ay qabto uu yahay qul qulka dadka faraha badan ee qaxootiga ah ee dalkeeda galaya.

Roma(AGGM): Wasiir ku xigeenka oo shir saxaafadda u qabtay waxaa uu sheegay in dad badan oo tahriibayaal ah oo Soomaali ku jirto ay tageen dalka Talyaaniga sanadkaan 2014 waxaxaana uu xusay in bishii naga dhamaatay ee January oo kaliya ay dalka Talyaaniga galeen ku dhawaad 2,000  oo ruux oo Soomaalina ku jirto.

Filippo Bubbico waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya ay kordhaan tirada tahriibayaasha xeebaha Talyaaniga ka daga iyo kuwa ku dhibaatooba intaba waxaana uu wadamada reer Yurub weydiistay inay ka caawiyaan joojinta qul qulka tahriibayaashaas

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in sanadkii hore ee 2013 ay xeebaha dalka Talyaaniga ay tageen (2,925  Labo kun  Sagaal boqol iyo Shan iyo labaatan) doonyood oo siday ku dhawaad 43,000 oo tahriibayaal ayna ku jireen 4,000 oo caruur ah.

Dadka ugu badan ee tahriibayaashu ka tagaan waxaa uu wasiirku ku sheegay inay yihiin Soomaaliya, Eritrea iyo Syria.

Tahriibayaasha waxay baddi doonyo aan safar loogu talo galin ka raacaan xeebaha dalka Libya kadibna ay waxay safar dheer ku tagaan xeebaha dalka Talyaaniga.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com