QM oo sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto Xaalad Adag

0

Hay’adda cunnadda iyo beeraha u qaabilsan Q,M ee marka magaceeda lasoo gaabsho la yiraahdo FAO ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in dad tiradoodu gaarayso 857,000 ooo ruux oo Soomaaliya ku nool ay u baahanyihiin cunno deg deg ah in la gaarsiiyo haddii kale ay wajahayaan xaalad adag oo bini’aadanimo

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan xaalad macaluul ah haddii aan raashin lala gaarin waxaana ay ha’addu leedahay dadkaas badankood waxay ku nool yihiin bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Hay’adda FAO waxay warbixinteeda ku xustay in qiimeyn laga sameeyay Soomaaliya ay muujinayso in 203,000 oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sanno ay halis ugu jiraan inay baahi u geeriyoodaan haddii aan loo gurman waxaana warbixintu intaa ku daraysaa in 51,000 oo caruur ah ay xilligaanba wajahayaan xaalad macaaluul iyo nafaqo darro ah.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com

Hay’addu waxay u sababaysay xaaladda ay ka digayso roobka oo ku yaraa xilligaan Soomaaliya iyo qiimaha maciishada oo kor u kacday waxaana ay leedahay haddii aan Soomaaliya laga gaarin waxaa ka dhici karta abaartii sanadkii 2011 oo saamaysay 4 million oo ruux oo Soomaali ah.