Daawo Sawirada:Meydka R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Lagu Tukaday Salaadda Janaasada.

0

Minneapolis (AGGM): Waxaa maanta Salaadda Janaasada lagu tukaday Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Minneapolis oo uu mudo dheer deganaa. Salaada janaasada waxay ka dhacday masaajidka weyn ee Abubakar Al-sadiq.

Intii aan salaadda lagu tukan Ra’iisal Wasaaraha waxaa hadlay qoyska marxuumka. Waxay u mahadceliyeen dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay qaban qaabada aaska Ra’iisal Wasaaraha. Waxay kaloo u mahadceliyeen madaxda maamulka dowlad goboleedka Puntland.

Maalinta Arbacada 5-ta subaxnimo ayaa diyaarad laga soo saarayaa marxuumka dalka Mareykanka. Wuxuu soo marayaa wadanka Turkiga, halkaas oo ay kula soo wareegi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wuxuu Muqdisho ku soo aadan yahay maalinta Jimcaha.

Waxaa marxuumka Minneapolis ka soo raacaya Prof. Abdi Samatar oo ay ahaayeen saaxiib gaar ah iyo qaar ka mid ah qoyska Ra’iisal Wasaaraha. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garow aas qaran ah.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa lagu dhinac aasayaa saaxiibkiis madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aden Abdulle Cismaan (Aden Cade). Markii ay wada noolaayeen waxay ahaayeen labo nin oo isku dhaw oo saaxiibo ah.

mayd5 mayd4 mayd3 mayd2 mayd1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com