Baasaboorka Soomaaliya Oo Noqdey Wax Aad Iyo Aad U Dhib Badan.W/Q. Mr. Dahir Mohammed Sheikh

0

Laga soo Bilaabo 1991 – 2007 ayaa Shacbiga Soomaaliyeed waxay isticmaali jireen Baasaboorkii Cagaarna ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre , hase yeeshe 2007 ayaa Dowladdii ku meel gaar ah aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxay keentay Baasaboor cusub oo la yiraahdo Electronic Passport oo ku sawiran Biciid hase yeeshe 2009 markii la doortey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu bedelay mid kii Cabdullaahi Yuusuf oo ahaa 3 Sano wuxuuna ku bedeley mid kale oo ah 5 Sano oo geel ku sawiran.

Dowladda hadda jirto oo Madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxay keentay Baasaboor kale oo bedelay labadii Baasaboor hore Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed .

Shacbiga Soomaaliyeed waxaa heysta jaha wareer siyaasad xumo oo ku saabsan qaabka mar walba loo maamulo Baasaboorka Soomaaliga oo weliba Dowlad kaste waxay rabta in ay sameeso Baasaboor cusub taaso keeni karta in Magaca Soomaaliya dalal badan laga naco tan kale waxaa jirta in hadda Baasaboor cusub ee soo baxay ay adag tahay in aad hesho taaso dadka lugu dhibo ogow waxaana jira dad xanuunsan oo Caaafimaad u socda, waxaa jira Ardey oo wax barasho u socota, waxaa jira dad Ehelkooda soo booqanaayo, waxaa jira Ganacsato u socota arrimo Ganacsi.

Dowladda hadda jirta waxay u dhaqmeeysa sida Dowladdaha nidaamka Hanti wadaaga ah ama shuuci ah bal fiiri sida ay dhaqmaan Waxda socdaalka, Hay,aadda Nabad Sugidda Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir taaso ku tuseysa sida Shacbiga Soomaaliyeed loo caburinaaayo waxaa ka mid ah Baasaboorkii Soomaaliga oo laga dhigey wax adag oo Qofka qaadanay Xoriyaddiisa Safarka meel looga Dhacay , waxaa ka mid ah haddii aad Gurigaaga dhisaneyso waa in aad u sheegta Maamulka degmadda aad deggen tahay ama haddii uu ku yimaaado ruux marti ah aad sheegto, sidoo kale waxaa awood buuxda la siyay Ciidanka Nabad Sugidda Qaran oo ah in qofka walba ay Xabsi dhigi karaan ayadoo Maxkamad caddaalad ah la geyn.

Tusaale Shacbiga waqooyiga Kuuriya mar walba waxay ku jiraan Gacanta Dowladdooda wayna adag tahay qofka Waqooyiga kuurya ah sida uu ku helo Baasaboorka dalkiisa marka uu rabo in uu Safar Dibadda ah u baxo, sidoo kale waxaa meel walba oo ka mid waqooyiga kuuriya wax dhex joogga ciidanka sirdoonka oo Ilaalo ka haya shacabka dhaqdhaqaaqoda si aysan u helin Xoriyad ka hadalka Siyaasada ama ra’yigiisa.

Dowladda Soomaaliya ee waxaan leeyahay way dhamaatey Shuuciyadda iyo Nidaamka Hantiwadaaga ee Madaxda uu ahaa Midoowga soofiyati ee beri dalaal badan ka telin jirey ee waa in Qofka Soomaaliga ah uu Xor yahay oo laga daayo Caburinta xagga Socdaalka ama Xagga in ay Guryahooda dhisan karaan ayadoo Qofka uu san tegin Degmada ama Gobolka si uu ugu sheego guriga uu dhisanaayo ama Baasaboor Qaadashada.

Fiiro gaar ah ee Siyaasiinta Soomaaliya waa in ogadaan in ay dhammaatey Nidaamka Shuuciyadda iyo Hanti wadaagga ka telin jirey dalal fara badan.

Mahad Sanadiin,

Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi Kenya
mr.dahir@msn.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com