Shir looga hadlayo Argagixisada iyo Burcad badeeda oo ka Furmay Jabuuti

0

Masuuliyiin ka kala socda 60 dal ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayo qatarta ururada argagaxisada Gobolka iyo tan Burcad badeeda somaalida waxaana shirkan oo ah kii labaad martigalinaya dowladda Jabuuti

Ka qeybgalayaasha shirkaasi ayaa maanta maalintii labaad ka doodaya sida looga hortagi karo Al-Qaacidada Gacanka cadmeed iyo xarakada Al-Shabaab ee Somaaliya ka dagaalanta oo loo arko inay caqabad ku yihiin nabadgaliyada  gobolka

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jabuuti Geeta Pasi oo hogaaminaya wafdiga Mareykanka uga qeybgalaya shirkaasi ayaa qiray in wadamada Africa ay dhibaato xoog leh ku qabaan burcad badeeda iyo kooxaha xiriirka laleh Al-qaacida oo Al-Shabaab ay kamid tahay

Dowladda Yemen oo dagaal adag kula jirta Al-Qaacida ayaa martigalisay wajiga Koowaad ee shirkan Bishii April 2013 waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah lasoo afmeero kulanaaksi lagana soo saaro talooyin dalalka Gobolka ay uga gudbayaan Caqabadaha dhinaca Amaanka ee ka imaanaya Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo Burcad badeeda Somaalida

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com