Fadeexad: Muqdisho Oo Xalay Iyo Habeen Hore Madaafiic Lagu Garaacay Iyo Saraakiishii Amniga Oo Xafladeyn Ka Bixi La’a!!

0

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Gen Bashiir Goobe iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen Saacid ayaa xalay Xaflad (Party) ku lahaa hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho xili xalay iyo habeen hore madaafiic lagu garaacayey magaalada muqdisho, Taliyayaashaan oo laga sugayey inay sugaan amniga Dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in shaqadoodii kusoo aruurtay in habeenba hotel xaflad ku qabsadaan oo loogu heeso.

Madaxweyne Hassan Sheekh oo galabta booqanayey Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa Galabta 8-da Saac loo xiray dhamaan wadooyinka madaxtooyada kasoo baxa ilaa safaarada Turkiga, iyadoo jidadka dhan lagu daadiyey ciidan.

Xili jidadkii galabta la xiray ay weli sidoodii u xiran yihiin Taliyayaasha Hay’adda Nabadsugida iyo Booliiska Gen Bashiir Goobe iyo Gen Saacid-na Xaflad loogu heesayo ku dhiganayeen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa xalay magaalada Muqdisho lagu aqseeyay Hoobiyayaal laga soo tuurayo xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Xafladda Xalay Taliyayaasha Nabadsugida iyo Booliisaka ku dhiganayeen hoteelka Jasiira ayaa la sheegayaa inay la joogeen taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Madaale, Taliyaha Hawlgalada Gen. Maalin, Khaliif Ereg oo ah Gacanta midig ee Taliyaha Hay’ada Nabadsugida qaranka ahna Kaaliyaha xaga hawlgaladana ku magacaaban, waxaa kale oo xaflada xalay ku sugnaa taliye ku xigeenka Nabadsugida Gobolka Banaadir Mr Cawle, Xili la sheegayo in Taliyaha Nabadsugida gobolka Banaadir Mr Koofi uu safar dalka uga maqan yahay isaga oo la maqan waftiga wasiirka gaashaandhiga.

Dhaawaca Shacabka ee hoobiyayaasha lagu garaacay ayaa la sheegayaa inaan la gaarsiin Karin inta badan isbitaalada maadaama jidadka magaalada weli u xiran yihiin booqashadii madaxweynaha ee safaarada Turkiga oo galabtadii hore aheyd.

Xafladeynta madaxda amaanka ay ku qabsanayaan hoteelada kala duwan iyagoo habeenba hotel looga heeso, iyaga iyo saaxiibadood oo rag iyo haween isugu jira ayaa ah mid joogto ka noqotay magaalada Muqdisho.

Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Hassan Sheekh iyo Wasiirka Aminiga qaabilsan ayaan aheyn kuwo la xisaabtama masuuliyiinta dawladda ka haya xilalka kala duwan, Wasiirka Amniga Mr Cabdikariin ayaa lagu sheegay inuu yahay nin aan amni waxna uga bilaawneeyn, loona dhiibay shaqo aan shaqadiisa aheyn.

Magacaabida Ccabdikariin ee wasiirka amniga ayaan ku saleysneyn aqoon iyo qibrad balse uun ku timid kamid ahaanshaha kooxda talada Dalka gacanta ku heysa ee damujadiid iyo Saaxiibnimada dhow ee uu la yahay Madaxweyne Hassan Sheikh iyo ka sareeyaha Madaxweynaha wasiirka Dastuurka iyo Cadaalada Faarah Abdulkadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com