Dhageyso: Kulan Deg-deg oo Xalay Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(AGGM): Xili Xalay 6-Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir lagu Weeraray  Hoobiyaal iyo Bambooyinka Gacanta laga Tuuro  ayaa waxaa kulan Deg-deg ah oo looga hadlayo Amaanka Muqdisho,Xalay Wada qaatay Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Tan Aminiga iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Diirada lagu saaray,waxa Fududeeyey in Weeraro nuucaan oo kale ah lagu qaado Degmooyinka Gobolka Banaadir islamarkaana la qal qal galiyo Amaanka Caasimada.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Ibraahin Isaaq Yaroow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay la Xisaabtami doonto Laamaha Amaanka Soomaaliya,waxna laga weydiin doono waxii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ibraahin Isaaq Yaroow Wasiir kuxigeenka Amniga ayaa sheegay in ay qabaan Tuhun ku aadan in Weeraradii Xalay aysan Geysan Maleeshiyada Al-shabaab Al-Qaa’ida islamarkaana aysan la heyn Awood ay wax ku Weeraraan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Xukumadda Soomaaliya ay Baaritaano Deg-deg ah  ku sameyn doonto Weerarada  Xalay ilaa Habeen hore ka dhacayey Magaalada Muqdisho.