Dhageyso: Afhayeenka AMISOM Col. Cali Adan Xaamud “Ciidamada Kenya Waa Laga Wareejinayaa Magaalada Kismaayo”.

0

Dhageyso: Afhayeenka AMISOM Col. Cali Adan Xaamud  oo u waramayay idaacada BBC ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya  Laga Wareejinayo mas’uuliyada magaalada Kismaayo.

Col. Cali Xaamud ayaa waxa kale oo uu sheegay in howlgalka ciidamada magaalada Kismaayo ay la wareegayaan ciidamada Siiraaliyoon.

Dhinaca kale Col. Xaamud oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in ciidamo isku dhaf ah la geeyn doono magaalada Kismaayo, ciidamada Kenyana macnuhu inuusan ahayn inay Soomaaliya ay ka baxayaan balse laga wareejinayo hogaanka iyo aaga magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Col Xaamud ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo balse ay kasii tirsanaan doonaan ciidamada AMISOM ayna sii joogayaan qeeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com