Dhageyso: Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaraxyo Been-abuur ah oo laga fuliyay Magaalada Muqdisho Iyo 31 Ruux Oo La Qabtay.

0

Muqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa caawa faahfaahin ka bixisay qaraxyo been abuur ah oo laga fuliyay magaalada Muqdisho, taas oo aan wax khasaaro ah geysan, kaddib markii ay shacabka si toos ah ula hadleen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo kala ahaa Wasiirka warfaafinta mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka mudane Ibraahin Isaaq Yaroow, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Saacid iyo Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Generaal Maxamed Yuusuf Madaale.

Hadal toos ah oo ay caawa ka jeediyeen Radio Muqdisho ayay Saraakiisha ammaanka ee ciidamada waxa ay sheegeen in kooxaha nabadda diiddan in caawa magaalada Muqdisho ka fuliyeen dhowr qarax oo been abuur (Macmal) ah, kuwaas oo aan geysan saameyn ka badan dhawaqa.

Taliyaha qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir ahna afhayeenka guud ee hay’adaha ammaanka Generaal Maxamed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in baaritaan cilmi ah oo ay sameeyeen ciidamada Booliska lagu ogaaday waxyaabaha caawa ay kooxahaani qaraxa u adeegsadeen oo uu ku sifeeyay inay yihiin qaraxyada loo adeegsado tababarrada ciidamada iyo Filimaanta ee been abuurka ah.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada Boolisku ay gacanta ku dhigeen in ka badan 30 (Soddon) qof oo lagu tuhamayo inay ku lug lahaayeen qalqal gelinta caawa laga sameeyay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in baaritaan lagu wado.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Saacid ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in magaalada Muqdisho ay ammaan tahay ciidamada ammaankuna ay ku sugan yihiin dhammaan xaafadaha magaalada oo ay ku jiraan goobihii ay ka dhaceen qaraxyada been abuurka ah ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in walxaha ay u adeegsadeen falkaan ay yihiin kuwa aan wax saameyn ah ku yeelan dadka iyo xitaa dhulka ama dhismayaasha, caddaaladdana la hor keeni doono kuwii ka dambeeyay falkaasi qalqalgilinta ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Qaranka mudane Ibraahin Isaaq Yaroow oo si toos ah uga hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa nabadda diiddan aysan lahayn awood oo ay wiiqmeen, ula jeeddada ay u sameynayaan ficilladan fulaynimada ahna ay tahay inay cabsi galiyaan shacabka Soomaliyeed.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay sugeyso ammaanka dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhawaana ay la wareegi doonto goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Isagoo qiray in dowladdu ay ka warqabto kuwa ammaanka caqabadda ku ah meel kasta oo ay joogaanba.

Fiidnimadii caawa ayaa magaalada Muqdisho laga maqlay dhowr dhawaq oo u maqal ekaa qaraxyo. iyadoo aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Maleehsiyada Al-Shabaab ayaa baraha internetka ku baahiyay inay ka dambeeyeen falalkaas oo ay ku sheegeen qaraxyo dhibaato ay ka soo gaartay dad badan. Arrintaas oo ah mid been abuur ah sida ay baaritaan ku caddeeyeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com