Dhageyso :Xildhibaano Ka Digay Carqaladeenta Shirka Baydhabo

0

Muqdisho(AGGM):Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo ka hadlay kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa ka digay in la carqaladeeyo Shirka Maamul u sameynta Koofur galbeed ee ka socnaya Baydhabo.

Gudoomiyihii hore ee barlamanka ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin ay dabada ka riixeyso dowladda  oo doonaya inay carqaladeeyaan Shirkaasi.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Sh/hoose waxa uu u sababeeyay maamul xumada dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa ay Xildhibaanada ugu baaqeen xukuumadda AMISOM iyo QM inay ka fogaadaan wax waliba oo caqabad ku ah geedi socodka Shirka Baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso Codka Sh, Adan Madoobe

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com