Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyey Geeriddi Ku Timi C/risaaq Xaaji Xuseen.

0

Muqdisho (AGGM): Inaa-Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaah Naxariistii Janno hasiiyee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdirizaq Xaaji Xusseen .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madxaweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Marxuum C/Risaaq inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wiixii faafaahin ah kala soo xiriir

Shador Haji
Xoghayaha Saxaafadda
shadorhaji@presidency.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgduud@gmail.com