Dhageyso: Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq ah.

0

Garoowe (AGGM):Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay in deegaannada maamulka Puntland muddo saddex maalmood ah hoos looga dhigo calanka maamulka iyo kan Soomaaliya, si loogu baroordiiqo geerida raysul wasaarihii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in geerida marxuumku tahay tacsi qaran, sidaa darteedna saddex maalmood hoos loo dhigayo calanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum Cabdirisaaq uu ahaa halyey taariikh wanaagsan ku leh ka miro-dhalintii halgankii gobanimadoonka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, raysul wasaarihii dowladdii KMG ah ahayd ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Garoowe ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ahaa geesi ka baxay gabi ahaanba ummadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan oo ahaa raysul wasaarihii labaad ee Soomaaliya ayaa Jimcihii shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com