Dhageyso+Daawo Sawirrada: Wafdi Balaaran Oo Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq (AGGM): xubno ka socda golaha wasiirada iyo baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta galinkii danbe gaaray degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wafdigani ayaa waxaa horkacaya Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane C/rixman Maxamed Saalax (Bangax) iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Gaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad Taako, Xildhibaan Abdullaahi Yuusuf iyo Xildhibaan Abdullahi Cismaan Sugule , iyo xubno ka kala socda Booliska oo Horkacayo Gen Foodcadde, Agaasimayaal iyo Xoghayno ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka, Gen Axmed Samatar oo kamid ahaa saraakiishii hore ee Xogga dalka Dr Abdiweli Garbacune iyo Odayaal dhaqameed iyo Siyaasiyiin ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq.

Wafdigan oo soo dhawayntooda ka qayb galeen Masuuliyiinta maamulka degmada iyo odayaasha dhaqanka Ururada Haweenka iyo dhalinyarada ayaa waxaa ay saxaafadda kula hadleen hoolka Nasashada Garoonka Caabudwaaq, iyagoo sheegay inuu yahay safarkii ugu horeeyay ee u baxeen tan iyo markii xilka loo magacaabay oo yahay midkan maanta.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Axmed Jaamac Dhirif ayaa uga mahad celiyay socdaalka wafdiga ka kooban labada gole ee dowladda, isagoo xusay inay qayb ka qaadan doonaan sidii loo xadidi lahaa xiisado gacan ka hadal ahaa oo dhaliyay khasaare nafeed oo dhawaan ka dhacay deegaanada Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir ku xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta Mudane Axmed Taako oo isna dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay u yimaadeen deegaanka sidii ay uga hortagi lahaayeen baajinta dhiig markale kale ku daata deegaanka, wuxuuna sheegay inay ku sugnaan doonaan Caabudwaaq tan iyo inta ay ka gaarayaan xal nabadeed.

Isku soo wada duuboo Waa markii ugu horaysay oo xubno ka socda golayaasha dowladda ay soo gaaraan degmada Caabudwaaq tan iyo markii lagu dhawaaqay Xukuumadda Cusub.

waaq

waaq1

waaq3 waaq4 waaq5

waaq2

waaq6 waaq7 waaq8 waaq9 waaq10 waaq11 waaq12 waaq13 waaq14 waaq15 waaq16 waaq17 waaq18 waaq19 waaq20 waaq21 waaq22 waaq23 waaq24 waaq25 waaq26 waaq27 waaq28 waaq29

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com