Maqaal:Tanadow Puntland Maxaa Ku Joogtaa? W/Q.Ayuub Cumar

0

Puntland oo shan iyo toban jirsatay baa maalin dhow dooratay madaxweyne cusub. Inta ay Puntland jirtay waxay ku saleysneyd qaab beeleed kuraasta barlamaanka ilaa iyo madaxweynaha. Wiligeed lama dooraan madaxweyni aan majeerteen aheyn iyo madaxweyni ku xigeen aan dhulbahante aheyn. Tani waxay ku tusineysaa in jagooyinka lakala dhaxlo ee uusan wareegto aheyn. Ilaa intii la dhisay Puntland shaxda kuraasta waxaa loo dhigay in jagooyinkaas qof kale uusan ku soo bixin ayada oo beelahaa laga sadbursadeyna looguba talagalin in ay wax ka noqdaan ama ka muuqdaan. Hadaba beelweynta Tanade oo Puntland ka tagta sedexda gobol -Mudug, Nugaal, Bari-miisaan intee le’eg bey ku leedahay maamul beeleedka Puntland:

-3 xildhibaan oo ka soo gala Mudug iyo Nugaal. Kii Bari oo laga duudsaday

-1 wasiir oo aan wiligiis jago muhiim ah loo dhiibin

-wasiiro dowla ama wasiir ku xigeen shaar maqaar ah

-beesha gobolka ay ugu badantahay oo Mudug oo wax xil aan ka heyn

Ayada oo saas tahay baa Cabdiwali Gaas wuxuu ku soo biiray doorashada Puntland asaga oo qiyaanadii reer Bariga ku awrkacsaday Sool baan xoreynayaa iyo cadaalad daro baahsan iyo is aaminaad la’aan baa ka dhex jirta maamul beeleedka Puntland. Cabdwali Gaas oo dad badan iyo Habra qurbaha jooga u durbaan tumayeen baa hal cod oo nasiib ah ku galay madaxtooyada Puntland. Runtii beesha Tanade marna ma rabin in uu Cabdiwali Gaas ku soo baxo madaxtinimada Puntland maxaa yeelay beeshu waxay ogeyd Cabdiwali Gaas wax aysan umada ka ogeyn: nin eex badan, qabaliya, iyo munaafaqnimo isku darsaday. Beesha cod iyo adinba waxay taageertay madaxweyne Cabdiraxman Faroole ayaga oo og inkastoo Faroole qeylo dheeraa hadana wuxuu ahaa nin heybad iyo nasab dowladeed leh. Nin wuxuu ahaa amarkii ka soo baxa laga tixgaliyo dunidoo dhan. Xafiisyadii ugu horeeyey ee xisbiga Horseed waxaa laga furay Galdogob.

Soomalida nabada jecel waxaan u sheegeynaa in Cabdiwali yahay musiibo Puntland ku soo siyaaday. Waxaan aaminsanahay in Cabdiwali uu mar dhow weyn doona kalsoonida shacabka, dagaalo badan ku furmi doonaan, aadna loo wiiqi doona quwadiisa. Taas ma ahan in aan ka wado jabhad ba dagaal ku qaadeyso Cabdiwali oo xukun ku heysata laakiinse asaga baa gacantiisa waxaa ka bixi doono shacbiyad badan marka uu arbushaad ku furo. Cabdiwalina ma aha nin cod iyo quwad looga heybaysan doona hadii ay mar xaajadu kala dhantaalmato.

Aniga oo arintaan ka duulaya waxaan rabaa in aan talo siiyo beelweynta Tanade:

Somaliweynta taageera wiligiin

Tan waxaan uga jeedaa waxaa baryahaan Soomaaliya ka curatay isbaheysi qabiileed ayada oo la rabo in dalka arbushaad iyo dagaalo hor leh lagu furo. Siiba reer Bariga wuxuu is leeyahay xukunkii Soomaliya is un mar labaad ugu soo laabto in uu qabiilada daarood isaga dhigo qof mideeyey masuulna ka ah. Arintaan beesha Tanade yeysan ku qatalmin ayaga oo beel gaara iyo qabiil gaara lagu diriyo. Soomali oo dhan waa inoo hal.

Maamulka Galmudug

Waxaan is gooni ah uga codsanayaa in Galmudug tixgalin gaar ah la siiyo ayada oo aan lagu biireyn maamulkeeda. Waa in labada deegaan ama beelood xiriirkooda la sii ayidaa oo iskaashi iyo wada shaqeyn dhab ah dhex martaa. Maadama daris dhow iyo xigaalo aan la nahay Galmudug yaanan beenta reer Bariga lagu sirmin.

Dowlada Sh. Xassan Sh. Maxamuud

Si kal iyo laabo ha loo taageero, wax maamul beeleedka noo quuri waayey baa walaalaheen noo garteen. Beesha hawiye ee Xamar iyo Hiiraan waa in aan tusinaa in beenta reer Bariga aan naga gadmin oo cadow soo jireena iyo mid joogtaaba usan hawiye aheyn. Cadow hadii uu Tanade leeyahay waa kuwaa kursi, dugsi, hormar, iyo niyad samiba tusin shan iyo tobankii sanoo la soo dhaafay.

Deegaanadeena Puntland

Waxaan ka codsanayaa beesha in ay il gaar ah ku fiiriso deegaanada ay ka dagaan Puntland siiba xaga hormarka, waxbarashada, difaaca, iyo dhismayaasha. Nin kuu quuri waayay jago miiseed ha ka sugin in uu guri iyo wado kuu dhiso.

Dowlada Cabdiwali Gaas

Waxaan ka codsanayaa beesha in qofkii ka socda maamul beeleedka Puntland ee yimaada Galdogob in dhagaxaan iyo banaanbaxyo lagu soo dhaweeyo, ay ku jiraan caadaqaadayaasha umada barakeysan ceebeey oo guryaha kirada uga jira Garowe.

Difaacida Puntland Muqadas ma aha

Maamul beeleedka xuduudaha beentaa uu sameystay waa in uusan hal shaqsi oo Tanade uga dhiman. Dadka mansabka iyo jagooyinka ku heysta ha u dhintaan dhulkooda. Waxaa kaloo xaaraan ah in maamul beeleedka lagu taageero af iyo adin.

W/Q. Ayuub Cumar
ayuub-c@hotmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa Fikirka Qoraha,Waxii Amaan Amaba Dhaleecayn Ah fadlan kala xiriir Qoraha Emailkiisa:
 ayuub-c@hotmail.com.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com