Top News: Madaxa Sirdoonka Mareykanka Oo Ka Digay Weerarro Cusub Oo Ka Dhaca Kenya.

0

Washigton DC (AGGM):Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ka digay weerarro cusub oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato dalka Kenya.

James Clapper ayaa u sheegay xubnaha guddiga sirdoonka ee aqalka odayaasha Mareykanka in dowladaha Bariga Afrika ay wajahayaan caqabad la xiriirta ka hor-tagga weerarrada argagaxisada ah.

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay dowladda Kenya kordhisay dadaallada la dagaallanka argagaxisada tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 70 qof.

Wuxuu xusay inay Al-Shabaab qorsheyneyso inay weerarro ka geysato dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda maxaa yeellay dalalkan ayaa ciidamo u diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com