Oraah Soomaaliyeed Baa Waxay Oraneysaa Ileen Ceeb Looma Dhinto, Dowladda Soomaaliya Waxaa Ceeb Iyo Fdeexo Weyn U Keenay “General Gaafoow” Taliyaha Laanta Socdaal. W/Q. Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

0

Waxaa wax lala yaabo ah in sargaalk sare kana tirsan dowladda soomaaliya ee u hoggaamiya Xasan Sheikh Maxamuud, masuul ka tirsan dowladdiisa inuu si xoog iyo baad ah ugu heysto Guriga gabar soomaaliyeed ay leedahay, gurigaas oo ay ka qaxday markii uu biloowday dagaalkii sokeeye in Somalia in 1991.

Marka loo eego godobta uu G-Gaafoow ka galay Marwo Ifraax C/raxmaan Sheikh, Gaafoow ma istaahilaa inuu qabto xil dowladeed ama wax la yiraahdo public Office amaba in masuuliyadda umadda loogu dhiibo xattaa “Waardiye” jawaabtu waa maya , waxaana lagama maarmaan ah in sharciga marsiiyo , cinqaabta uu madan yahayna la siiyo, waayo waa qof ku mgacaaaban masuuliyad sare inuu u hayo shacabka soomaaliyeed, kana mid ah madaxda dowladda soomaaliya sidaa awgeed ma ahan arrin la sahlan karo waa arrin mudan in laga qaado tillaabo waafaqsan sharuucda dalku leeyahay weliba sharciga cinqaabta “Penal Law” waayo arrintu waa criminal case + isticmaalid awood dowladeed xadgudub ah laguna dhibaateeynayo muwaadaniin soomaaliyeed weliba Hantidoodii maguurtada aheyd in xoog looga heysto.

Genaral Gaafoow waxa uu isticmaalayo waa awooddii dowladda , ciidamadii dowladda, laakiin Gaafoow dadka kama xoog badna.

Waxaa ay ila tahay in dowladda soomaaliya ay arrintaan iyo kuwo badan oo la mid ah iney soo farageliso,waxna ka qabato, Marwo Ifraax C/raxmaan Sheikh waxaa cad iney guriga iska leedahay, wax walba ay cad yihiin sida ka muuqadata Video-ga kaas oo meelo badan ay soo bandhigeen weliba website-yada soomaaliya sida Allgalgaduud, Banadbile,Kismaayo24, Waagacusub,All banadir iyo kuwo badan oo aanan meeshaan ku soo koobi Karin.

Soomaalidu waxaay tiraahdaa “ Geel ama Hal Ninkii lahaa ,Dhacayo Cidna sooma Dhicin karto”Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ku dhaartay inuu si cadlaalad ah ugu shaqeyn doono shacabka soomaaliyeed from Raascaseyr Ilaa Raaskaabooni, iyo inuu soo celiyo dowladnimadii soomaaliya ka luntay in 1991.

Haddaba su;aashu waxaay tahay ma tahay astaamo biloow ah oo dowladnimo, Genaral ka hayo masuuliyad weyn inuu xoog ku haysto Guri Muwaadaniin soomaaliyeed leeyihiin,sidaas ma dowladnimo ayaa ku imaaneysa, waayo qofka caadiga ah markii dagaalku sokeeye dhacay inuu qabsado meel sida Guri dad gaar u lahaayeen ama dhismo dowladeed micnaha hanti guud, laakiin Gerenal Gaafoow ahna madaxa laanta socdaalka inuu sidaa ugu bareero hanti ma guurto ah oo ay leeyihiin Muwaadaniin soomaaliyeed taas ma ahan wax aqliga geli kara lana aqbali karo.

Haddii Dowladdu ay wax ka qaban weydo cabashooyinka sida Marwo Ifraax C/raxmaan Sheikh,haddii shaqsiyaad ka mid ah madaxda dowladda,isla markaana madax ama masuuliyiin ka ah heydaha dowladda soomaaliya isla markaana ay waxba ka qaban weydo, taas waxaay noqoneysaa calaamado muujinaya ineysan soomaaliya dowlad ka jirin, dadka dhibbanayaasha ah sida Marwo Ifraax iney u dacwoon doonaan Itoobiya, Kenya,Jibouti,Beesha calaamka, Heydaha caalamiga sida UN-ka,taasna waxaay ceeb iyo fadeexo weyn ku tahay madaxda dowladda soomaaliya sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlmaanka, Prime-miniterka (intoo uu yahay nin ku cusub waqti dheerna joogin), waxa is keenaya ma ahan dowlad baan ahay, madaxa baan u ahay shacabka haddana Taliyaal lagu xardhey Derajoojin sare aadna u qurux badan inuu ku boobo si bareer cad ah Hantida shacabka soomaaliyeed, taasna waxaa ka marqaati ah arrinta leh murugada iyo xanuun ee kala soo gudboonaatay Marwo Ifraax iyo Caruurteeda markii ay isku dayeen iney gurigoodii kala wareegaan kuwii ku heystey bililiqada muddo ka badan 22 sano, kuwa haystana ay yihiin General Gaafoow ahan Taliyaha ama madaxa Laanta socdaalka ee soomaaliya, iyo shaqsiyaad kale weliba ka tirsan Ciidamada xoogga dalka soomaaliya isla markaana leh derajo sare oo ciidan.

Madaxda dowladda marar badan baa cabashooyiin loo soo jeediyey falal xun oo ay sameynayaan dadka huwan shaarka dowladda,haddana waxaay ku jawaaban iney wax ka qabanayaan iyagoo saabab uga dhiga ineysan ciidamadu laheyn wax la yiraahdo “Disibiliin ciidan” Su’aashu waxaay tahay General Gaafoow lama soo barin miyaa akhlaaqda qofka masuulka leeyahay kuna waajib ah inuu kula dhaqmo dadka uu u hayo masuuliyadda.

Waxaan maqlaa in la dilo askeri wax dhacay ama diley askeri kale, G-Gaafoow iyo sarkaalka ay isku beesha yihiin ee diirtey qeyb ka mid ah guriga Marwo Ifraax, sharcigu ma qabanayo miyaa , haddii uusan sharcigu uusan qabaneyn sharcigu yuu qaban doonaa? Halkaan waxaa iga baxay Madaxweyne Xasan Sheikh inuusan laheyn karti hoggaamiye, haddana ah nin cabsi ku nool, hadda ka hor baa waxaa jirey macalin wax noo dhigi jirey “Maadada Falsafadda” wuxuu noo qeybin jirey shacarkii uu soo diyaariyey asagoo qoraal ku soo diyaariyey hadda secono ama ilbidhiqsi ayuu na oran jirey soo celiya qalad baa ku jira! Macalinku wuxuu ahaa nin runtii aqoon leh laakiin aan heysan wax kalsooni ah waayo meeshu waxaay aheyd kuliyaddii siyaasadda ee soomaaliya xamarna ku taalley.

Haddaba sababta aan arrintaan ugu xirey Madaxweyne Gurguurte,waxaan u arkaa inuu yahay nin softi, haddana cabsanaya isna oranaya haddii aad waxaas sameysid armaad ku qaldantaa. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaan leeyahay Jaallee madaxweyne waad og tahay arrimaha noocaan oo kale sida arrinta Marwo Ifraax C/raxmaan Sheikh, waayo siyaabo badan baad informationka ama aqbaarta ku heshaa laakiin waxaa muuqatada inaad ka gaabsatey, haddana waxaad ogaataa ineysan dowladnimada aad radineysid ma ahan mid ku imaaneysa,Taageero Gaafoow iyo wax la mid ah haddii ay noqon laheyd mid shaqsiyadeed ama qabiil ama beel.

Dowladnimadu waxaay ku imaaneysaa marka aad dadkaaga hanatid quluubtooda, maskaxooda wax wanaagsan ku shubatid, waxaan aad ula yaabaa marka madaxda dowladda soomaaliya iyo dad badanoo soomaali ah ay dhahaan waa nala”Aqoonsaday,” waxaa jira laba arrimood oo kale duwan dadkuna isku qaldayaan kalana ah> Aqoonsiga dwladnimo iyo > Aqoonsiga Qarannimo ama state, marka aqoonsiga dowladnimo waa mid ka yimaada ummadda meesha ku nool lehna hoggaan ka taliya dhulkaas oo dhan sida Beriga, Badda iyo Hawada, markaas ka dib uma baahnid in lagu siiyo aqoonsi ama ictiraaf, dowlad kaliyaa ku aqoonsan karta am aka badan, laakiin aqoonsiga qaran ama State waa arrin ku xiran arrimo kale. Taas waxaay noo muujineysaa in Dowldda xasan Sheikh Maxamuud wax badan ay ka maqan yihiin sidaanna soomaaliya ma ahan midku keeneysa ama dad ku taageeri karaan tusaale meeqa muwaadaniin soomaali ah kuna nool gudaha iyo dibeddaba ka xumaatay arrinta Mawro Ifraax kala kulantay General Gaafoow oo heysta gurigeedii ay laheyd isla markaana maamulka gobolka banaadir , maxkamadda gobolka banaadir, weliba ay maxkamaddu amartey “ Seddex goor” in Marwo Ifraax lagu wareejiyo guriga ay leedahay laakiin taas waxaa diidey General Gaafoow oo laalay Go’aankii maxkamaddu soo saartay.

Markii aan dhageystey arrinta ku saabsan dulmiga dahsoon ee lagu sameeyey Marwo Ifraax, waxaan kula talin lahaa ineysan wax waan waan iyo dhexdhexaadin iyo iibsi lacag la idinka siiyo, taas ha ka yeelinina waayo marka arrin la dhexdhexaadinayo iyo marka ay maxkamad gaarto waa kala duwan yihiin, danta ugu jirta Gaafoow inuu lacag iidinku bedelo waxaa waaye asagoo waayey inuu xoog ku sii heysto isla markaana uu ka cabsanayo inuu muto cinqaab,shaqadiisana sidaa ku waayo,midda kale uu doonayo inuu idinka siiyo lacag aan u dhigmin qaymaha runta ee gurigu jooga.

Tusaale arrin hadda ka hor ka dhacday xamar,waxaa jirtey in Hooyo soomaaliyeed ay aaday xamaar si ay u soo aragto gurigeedi,sheekadu waa dheer tahay, aan soo koobe,markii ay gurigedii tagtay ninkii deganaa wuxuu yiri waan ku dilayaa meesha naftaada kala carar, xaajiyaddii mid kale oo arrinta la socda baa u yimid wuxuuna ku jiri guriga anigaa kaa iibsanaya ninka kala wareegaya adigu taas ma yeeleysaa waxaay tiri haa waayo waxba ma heyso iyo xal kale xattaa waraaqihii iney guriga leedahay way heystaa, lacag yar buu ka siiyey, taas oo muujineysa laba dulmi oo loo geystey mulkilihii guriga.

Sidaa awgeed idinkulama taliyeen inaad Gaafoow iyo wax la mid ah inaad lacag kaga bedelataan, midda kale dhibaatadii idinka qabsatey sidii aad guririina ula soo wareegi laheydeen waa inuu bixiyaa Gaafoow, arrinta kale isla markaana ah wax sharciyan ah, Gaafoow asagaa guri uusan laheyn dhistey marka kuma xisaabtamiro inuu yiraahdo guriga hanti baan geleyey, taas sharciyan ma ahan shaqeynaya, wax alla wixii uu galiyey waxaay noqonayaan “ereyga ah Eey baa cunay” Arrinta kale iyadana mudan inaan halkaan ku xuso ,taas oo ah Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu in bandanna uu xusay in dadka guryaha heysta waa iney iskaga baxaan , ilahayna ku anfaco intii ay ku noolaayen, sidaa awgeed arrimahaas ma ahan kuwo mudan in Gaafoow lagala hadlo iyo dhammaan intii qeybta ka aheyd dulmigaas, marba haddii arrintu dacwo gaarto waa inaad gaartaa yoolka aad leedahay waayo sida aan u fahmay G-Gaafoow asagaa diidey markii ay wanaagga iyo ixtiraamka laheyd, maantay G-Gaafoow waa denbiile ku xad gudbey masuuliyadda loogu dhiibay shacabka soomaaliyeed isla markaana mudan in xilka laga qaado ,maxkamadna la soo taago si dadka loo baro waxa uu yahay sharciga isla markaana qofna uusan ka sarreyn sharciga.

Gaafow vs ifrah
W/Q. Dr. Dahir Nur Jama (Dr. Truman).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com