Maamulka Ahlu Sunna Oo Isku Dayaya Inay Wax Ka Qabataa Amni Xumo Ka Jirta Magaalada Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe iyo maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa wada qorshe ay wafdi ugu dirayaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in xubno ka tirsan maamulka dowladda ee gobolka, Ahlu Sunna iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka loo dirayo degmada Caabudwaaq si ay wax uga qabtaan xaaladda amni ee degmadaasi.

Cirfo ayaa intaas ku daray in degmada ay noqotay mid ay dilal kala duwan ka dhacaan.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Cabdirsaaq Cali Mire (Ashcari) ayaa isaguna waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in wafdi ka socda maamulka dowladda, Ahlu Sunna iyo odayaasha gobolka loo diro wax ka qabashada xaaladda amni ee degmada Caabudwaaq.

Habeenkii Arbacada ayaa degmada lagu dilay nin ganacsade ahaa, iyada oo dilalka ka dhaca degmadaasina lala xiriirinayo aargoosi qabiil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com