Dhageyso+Daawo Sawirada: Wasiirka Gaashaandhigga Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Wasaaradda Difaaca.

0

Muqdisho (AGGM): Munaasabad balaaran oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xaamud ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ,iyadoo ay kasoo qeybgaleen R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed,Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji fiqi,Wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xaggaa,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gaasandhigga C/laahi Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta cusub ee Wsaaaradda gaashaandhigga iyo mas’uuliyiintii hore ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku sugnaa xarunta Wasaaradda difaaca, iyadoo intaasi kadibna uu wasiirka cusub la wareegay dukumentiyadii ku saabsanaa waxqabadka iyo heshiisyadii ay horay u soo gashay Wasaaradda.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi oo ka hadlay munaasabadda ayaa masuuliyiintii hore ee Wasaaradda difaaca ku amaanay dedaalka iyo isbedelka ay muujiyeen.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Faqi ayaa ku dheeraday ka hadalka waxqabadka uu muujiyay mudadii uu xilkan hayay, waxa uuna tilmaamay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay qabteen ay kamid yihiin in tababarka ciidamada lagu siin jiray dibadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, islamarkaana qorshuhuyahay in lasii horumariyo dedaallada dalka looga xureynayo cadowga.

Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu xafiiska la wareego, isagoo ka codsaday saraakiisha ciidamada inay si daacadnimo ah ula shaqeeyaan ayna gacan ku siiyaan gudaha waajibaadkiisa.

R/wasarae ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed oo hadallo dardaaran ah jeediyay ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku dedaaleyso sidii loo saxi lahaa afkaarta qaldan ee Al-Shabab ku dhaqamaayaan, maadaama diinta Islaamku tahay mid nabadeed.

gaashaan11

gaashaan1

gaashaan2

gaashaan12 gaashaan11 gaashaan9 gaashaan8 gaashaan7 gaashaan10 gaashaan6 gaashaan5 gaashaan4 gaashaan3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com