Daawo Sawirada: Wasiirka Ganacsiga oo maanta la wareegay xafiiskiisa.

0

Muqdisho (AGGM): Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aaden Maxamed Nuur “Aaden Saransoor” ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiskiisa kaddib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-xigeenka R/wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed,Wasiirka cusub, ku xigeenkiisa, wasiirkii hore iyo ku xigeennadiisa iyo sidoo kale mas’uuliyin kale oo xafladda ka qeyb galay.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee Wsaaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Xasan oo sheegay in Wasaaraddiisa ay wax badan qabatay muddadii ay shaqeynaysay, isagoo faahfaahin ka bixiyay heshiisyo ay saxiixday wasaarddu xilligii uu joogay, loogana baahanyahay wasiirka cusub in uu arrimahaa sii dar dargeliyo.

Sidoo kale Aaden Maxamed Nuur Wsiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha oo isna ka hadlay munaasabadda xilwaarejinta ayaa sheegay in howsha ay meeshoodi kasii wadi doonaan islamarkaan ay horumarin doonaan howlaha horyaalla Wasaaradda, isagoo howlwadeenada wasaaradda ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka cusub iyo wasiirkii hore ee ganacsiga iyo warshadaha ayaa Ku-xigeenka R/wasaaraha hortiisa ku kala saxiixday dokumintiyada iyo heshiisyadi ay soo gashay Wasaaradda, iyadoo munaasabaduna ay kusoo gebagebowday si guul ah.

wasiirka ganacsiga

ganacsi1 ganacsi ganacsi3 ganacsi2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com