Maxay Al-Shabab ka yiraahdeen weerarkii Sh/hoose!?

0

Hogaamiye ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo la yiraahdo Abu Max’ee oo la hadlay wakaaladda wararka AP ayaa xaqiijiyay in duqeyntii ka dhacday tuulada Haawaay ee G/Sh/hoose ay uga geeriyoodeen saraakiil sar sare oo Soomaali iyo ajaanib iskugu jira.

Abu Max’ed oo hadal kooban siiyay wakaaladda AP waxaa uu xaqiijiyay in dadka ku geeriyooday duqeynta uu ka mid yahay nin uu magaqciisa ku sheegay Sahal Iskudhuuq oo saraakiisha sar sare ee Al-Shabab ka tirsanaa sida uu yiri.

“Duqeynta diyaaradaha Maraykanka ayaa geystay walaalkaas ayaana ka mid ahaa dadka geeriyooday” ayuu yiri Abu Max’ed oo Al-Shabab u hadlay waxaana uu intaa ku daray inay jiraan khasaaro soo gaaray xubno ajaanib ah oo Al-Shabab ka bar bar dagaalamayay.

Hogaamiyahaan waa uu ka gaabsaday inuu faafaahin intaa ka badan bixiyo.

Wakaaladda wararka AP waxay ku waramaysaa in Sahal Iskudhuuq uu ka mid ahaa shaqsiyaadka aad ugu dhawaa hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane oo Shababku u yaqaanaan Sh.Mukhtaar Abuu Zubeyr.