Dhageyso+Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaaraha oo soo gabagabeeyey kulan looga hadlayay qorshaha xukuumada ee 2014.

0

Muqdisho, January 27.2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo gabagabeeyey kulankii labada cisho soconayay ee looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014, waxaana kulankan maanta si gaar ah loogu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaaraddo.

Kulanka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo sheegay in kulankan ay si gaar ah diirada ugu saarayaan howlaha xukuumada ee u baahan iskaashiga beesha calaamka iyo dalalka deeqbixiyeyaasha, wuxuuna xusay in kulankani uu gogol dhig u noqon doono wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara beesha caalamka iyo xukuumadiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in xubnaha beesha caalamku ay kulankan goob joog ka noqdaan, maadaama ay iskaashiga ugu badan la leeyihiin beesha caalamka, gaar ahaana Q/midoobay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno matalayay Q/midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Turkey, Norway iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, waxayna dhamaantood ka mahadceliyeen casuumaada, waxayna xuseen inay si buuxda u garab istaagi doonaan dawladda Federaalka.

Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Q/midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamku ay ku saleyn doonaan taageeradooda soo jeedinta dawladda Soomaaliya isla markaana aaney dhici doonin in kor looga keeno baahida iyo taageerada “Waxaan halkan ka cadeynayaa in beesha caalamka ay diyaar u tahay inay baahideeda ka dhegeysato dawladda Soomaaliya si looga taageero” ayuu yiri Lazzarini.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday golaha Wasiiradu inay u howlgalaan sidii dalka looga dhaqangelin lahaa qorsheyaasha xukuumadda loona gaarsiin lahaa dhamaamba gobolada dalka adeegyadii aas aasiga ahaa ee shacabku u baahanyihiin.

IMG_2774

IMG_2858 IMG_2841 IMG_2830 IMG_2786 IMG_2782 IMG_2778 IMG_2762 IMG_2820

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com