Top News: Horjooge Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab Oo Duqeeyn Diyaaradeed Lagu Dilay.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka laga helaayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in galabta duqeyn xagga cirka ah lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa falaagada Al Shabaab.

Ilaa seddex gaari oo ay la socdeen xubno ka tirsan falaagada Al Shabaab, ayaa duqeynta lagula eegtay deegaanka Farjano, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradaan, ayaa gantaal ku dhufatay gaarigii uu la socday horjooge Axmed C/qaadir C/laahi (Cammo Isku-dhuuq), halka aynaan wax duqeymo ah la dhicin labadii gaari ee kale.

Ninka la dilay, ayaa waxaa la sheegay in uu heystay Waaxda Caafimaadka ee Ururka Al Shabaab, sidoo kalana ay aad isugu dhawaayeen Horjoogaha guud ee falaagada Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Isku wada duuboo maalmihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa inta u dhaxeyso Degmooyinka Sablaale iyo Baraawe ku soo badanaayay, guuxa diyaarado aan la garanayn cidda iska leh.

drone kil

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com