Maqaal: Cali Daacuun “Sooyaalkii Siyaasadeed Ee Soo Dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo, Shariif Xasan, Cadiweli, Faroole, Kampala Accord. Qaybti 6-aad.

0

Waxa cad in Mudane Cabd-weli Cali Gaas, oo hadda ah Madaxweynaha Maamulka Punt-land, inaanu ka raja dhigin Madaxweyne-nimadii dalka Soomaaliya. si weyn ayuu isu soo abaabulay kolkii uu waayay jagadii Madaxweyne-nimada Soomaaliya, wuxuuna rumeysan yahay inuu meel cad kaga dhaqaaqay Ra’iisul-wasaare-nimadiisii hore, waana muuqataa inuu ku ciil qabo siyaasiyan, maxaa yeelay wuxuu dib ugu laabtay deegaankii Punt-land inuu iska soo sharaxo, bal CV-giisa eeg, FROM Ra’iisul-wasaare TO Madaxweyne Maamul Goboleed, halkaas ayey ka cadahay inaan hankiisii aanu dhiman ee uu nool yahay.

Ma filaayo inuu Cabdi-weli wax ku soo biirin doono Maamul goboleedka Punt-land, maxaa yeelay waxa uu wax ku soo biirin lahaa dowladdii uu ka ahaa Executive Power (Prime Minister).

Qofku inuu han yeesho waa xaq, inuu damac iyo dacar yeesho waa loo baahan yahay, qoraalkani ma niyad jebinaayo Cabdi-weli, balse wuxuu iftiiminayaa Sooyaalkii Taariikheed ee Cabdi-weli.

Waxaan rabaa inaan qoraalkeygan ku iftiimiyo Madaxweynaha Punt-land Cabdi-weli Cali Gaas waa kuma?
Murti ayaa oraneysa (dad yaa yaqaan?), jawaabtu waxay noqotay, waxaa yaqaa NIN U TALIYAY IYO NIN TUUGAY, qoraaga qoraalkan qoray Cabdi-weli wuu tuugay, yaa ka badiya?? Waxaan qabaa inaan qofna iga badin.
Mudane Cabdi-weli Cali Gaas ma aha nin qaran, mana aha nin qabiil, EE WAA NIN QOYS, mana filaayo inuu caqabadaha maanta hor-yaalla inuu ka gudbi karayo. tan 1aad waa KHAATUMO STATE, tan 2aad waa GAL-MUDUG STATE, tan 3aad waa DOWLADDA FEDERAALKA AH, tan 4aad waa PUNT-LAND GUDAHEEDA, intaas oo caqabadood iyo kuwa qarsoon, ayaa ku soo fool leh oo hor yaalla mudane Cabdi-weli Cali gaas.

Si kastaba howlla kaa-caa-kufee, hadda waa Madaxweynihii Punt-land, rajo weyn kama qabbo inuu wax ku daro wixii uu Faroole ku wareejiyay, waxaase guul noqon doonta, mudada uu xilka hayo haddii ay nabad ugu dhamaato Punt-land.
Yooyootanka warbaahinta ee ay is-dhaafsan doonaan dowladda Federaalka ah iyo Cabdi-weli ayaa innagu qaadan doonta muddo dheer, waxaana laga yaabaa in Madaxweynaha Punt-land uu dhaawac badan u geysto dowladda federaalka ah, aakhirkana ay noqoto hala sameeyo waxa loogu yeeray ROAD-MAP cusub, ama xeelad kale oo ka duwan tii hore, waxaanse hubaa in qeyladu ay badan doonto, oo tii Faroole ay noqon doonto I QARSO.

Muranka siyaasadeed ee Cabd-weli, wuxuu ku biyo shuban doonaa SOOMAALI-LAND, wuxuuna oran doonaa dad aanu isku isir nahay, ayaa Laas-Caanood deggan, ee waa inay ka baxdaa Soomaali-land.

Waxaa aad u qosli doona Maamulka Khaatumo, oo mar hore isku tashaday, sameystayna maamul, maxaa yeelay umadda Reer Khaatumo si cad ayey u sheegeen inay yihiin Maamulka Punt-land dad deris ah, oo ay xuduudu u dhaxeyso, Cabdi-welina caqabad bay ku noqoneysaa; maxaa yeelay laas caanood WAA BRIDGE u dhaxeeya Koonfur iyo Soomaali-land, waxayna fahmeen Reer Khaatumo in gacantooda ay ku jirto Waslad dahab ah, oo aanay rabin in cid kale ka faa’iideysato kheyraadkaa khaatumo gacanta ugu jira, waxeyna rumeysan yihiin Maamulka Khaatumo inay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Cali Daacuun
Khabiir Siyaasadeed

la soco qeybta 7-aad ………………………

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com