Dhageyso: Kumanaan Itoobiyaan Ah Oo Ku Wajahan Jubooyinka & Axmed Madoobe Oo Haween Hor Boodaya Maanta.

0

Kismaayo(AGGM): Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaa ka socda banaan bax ay soo qaban qaabiyeen horjoogayaaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana banaan baxyadani yihin kuwo lagu tageerayo Ciidamada dawlada Kiiniya ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Banaanbax ayaa yimid ka dib markii uu ka war halay in ciidamada dawlada Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin Goboladda Jubooyinka & Gedo isla markaasna doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka Goboladaasi oo meelaha qaarkood lagu tilmaamay inay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Raaskambooni & kuwa Jabhadda Soomaali Galbeed ee ONLF.

Dawladda Itoobiya ayaa wada qorshe ay ku ogaaneyso sidii ay u xaqiijin lahayd amaanka goboladaasi oo saameyn ku leh jiritaankeeda madama ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad ka tirsan Jabhadda ONLf isla markaasna qaybka ah Maleshiyo beeleedka Raaskambooni oo asalkoodii hore ka soo askumay Argagixisada Alshabaab.

Axmed Madoobe & Sarakisha ciidamada Kiiniya ayaa saaka bilaabay olole xoogan ay ku khasbayaan shacabka iyo haweenka Magaalada Kismaayo iyadoo lagu amray inaan iskuul ka dhigi karin saaka isla markaasna magaalada bartankeeda laysugu soo baxo,waxaana ay ku tageerayaan joogitaanka ciidamada Kiiniya.

Qorshaha hadda socda ayaa ah in ciidamada dawladda kiiniya laga saaro Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda bisha 2-aad ee sanadkan isla markaasna amaanka goboladaasi ay la wareegaan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan Goobweyn,Kuwa Itoobiya & Siraliyoon.

Ugu dambeyntii Ciidamada Kiiniya ayaa bilaabay inay qalabkooda diyaarsadaan si ay ugu gudbaan gobolo kale oo dalka soomaaliya ama xaduudka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kiiniya,waxaanaa talaabadaasi walaac xoogan ku abuurtey horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo bilaabay inay haween iyo caruur mudahaaradyo ku kiciyaan.

17921

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com