Dhageyso: Madaxda Dowladda oo kulan wadda tashi ah Muqdisho uu oga Furmay

0

Muqdisho(AGGM): Xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Kulan wadda tashi ah oo ay ka soo Qeyb galeen Madaxda Dalka iyo Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Raisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sh.Axmed,waxaana u jeedkiisa uu yahay Qaabka ay ku Howlgaleeyso Xukumadda Cusub ee Soomaaliya.

Waxaana Goob joog ahaa Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari ,Raisul wasaare C/wali iyo Golaha Wasiirada Cusub.

Waxaana kulanka uu socon doonaa mudo Labo maalin ah,waxaana la Darsayaa inta uu socdo kulanka wadda tashigaa Qaabka ay ku Howlgaleeyso Xukumadda Cusub iyo sidii  Dowladda Awood leh loo dhisi lahaa.

Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inta uu socdo Kulanka la isla soo qaadi doono,Qodobo ay ka mid yihiin,Isla Xisaabtanka,Wadashaqeeynta,ilaalinta Sharuucda Dalka iyo in wax ay Dadka u baahan yihiin la gaarsiiyo.

Xukumadda Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa Wax qabad Xoogan,ayadoona Dadka intooda badan ay Dhaliilsan yihiin Qaabka Xukumaddaan Cusub.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com