Dhageyso+Daawo: Dibadbixii Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Ee Lagu Diidanaa Ciidamada Itoobiya.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Qaar kamid ah banaanbaxayaasha Kismaayo ku dibadbaxayay ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ciidamada Kenya kusii sugnaadaan magaalada Kismaayo iyadoo dadku ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Kenya inay baxdo waan kasoo horjeednaa.

Mid ka mid ah odayaashii ka hadlay banaanbaxa kasocda Kismaayo ayaa cod dheer ku sheegay in ciidamada Kenya ay leeyihiin Kismaayo hadda kadibna ay Kismaayo iyo Jubbaland Kenya hoostagaan.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayaeen erayo ay ka mid ahaayeen “Kenya diide dooni Mayno” iyo “Kenya Inay Naga Baxdo Dooni Meeyno, Kuwo Xoolaha Naga Qasha, Oo Gabdhaha Naga Kufsada Dooni Meeyno”.

Kadib kamid noqoshadi Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo soo galitaankoodi magaalada Baydhabo ayaa waxa soo wajahday cabsi farabadan iyo jahwareer horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo xooga ciidamadooda ay yihiin Al Shabaab iyo ONLF.

Dibadbaxa maanta ka dhacay magalaada Kismaayo ayaa waxa uu ahaa mid ujeedo badan iyadoo dadka ku sugan gudaha magaalada Kismaayo sheegeen in ay ka qeeyb qaadanayeen Haween, Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Caruur.

Dibadbaxa maanta ayaa waxa uu ku saleeysnaa sida ay dad ku sugan magaalada Kismaayo xaqiijiyeen in magaaladaas iyo nawaaxigeeda ay fariisimo ciidan ku leeyihiin maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan ururada ONLF iyo Al Shabaab, haddii ay Ciidamada dowladda Kenya ka baxaan magaaladaasi maleeshiyaadka hadda ku garab siiya qaab beeleedka horjooge Axmed Madoobe ee ONLF iyo Al Shabaab in aysan ku sii nagaan karin Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda madaama la keenayo ciidamo ka fikir duwan kuwa Kenya qeeybna ka noqdaan ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya.

Isku soo wada duuboo dibadbaxaan maanta ayaa waxa uu xaqiijinayaa tuhunki in mudo ahba la qabay ee ahaa in gudaha magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda fariisimo ciidan ku leeyihiin Al Shabaab iyo ONLF.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Dibadbixii Maanta.

bananka2
Sawirada Qoraalada Lagu Diidan Yahay Ciidamada Itoobiya Inay Soo Garaan Jubbooyinka.

banak1
Maleeshiyaadka ONLF, Shabaab iyo Raaskambooni Oo Dharka Shacab Xirtay.

bananka
Horjoogeyaasha Maleeshiyaadka Oo Kala Hagaya Dibadbaxayaasha.

Halkaan Ka Daawo Qorshaha Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com