Laba Nin Oo Miino Ay Aasayeen Kula Qaraxday Magaalada Baladweyne.

0

Muqdisho (AGGM): Sida uu Warbaahinta Magaalada Muqdisho usheegay Taliyaha ciidanka Booliiska Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdule, rag miino ku aasaye Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa ku geeriyooday miinadii ay aasayeen, kadib markii ay ku qaraxday

Isaaq Cali Cabdule oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta , ayaa sheegay in raga qaraxa miinada ay la qarxday ay ahaayeen labo ruux, waxaana ay qaraxa ku aasayeen xalay Saqdii dhexe xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beladweyne.

Qaraxa miinada ayuu sheegay in ragii dhigaye kaliya ay ku geeriyoodeen oo aysan jirin cid kale oo dhibaato kasoo gaartay, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in meydka ragaasi uu hada yaalo halkii ay miinada kula qaraxday.

Falaagada Al-Shabaab ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen ragaasi oo falkii ay maleegayeen iyaga dib ugu noqday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan ayuu taliyaha sheegay inay wadaan howlgalo ka dhan ah ammaanka Degmada Baladweyne si loo hubiyo xaalada ammaan.

Majirto ilo kamadaxbanaan saraakiisha Dowladda oo xaqiijinaya in raga miinadaasi la qaraxday ay ka tirsan yihiin Ururka falaagada ah ee Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com