War Naxdin Leh: Cudurro Iyo Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

0

Ceelwaaq (AGGM): Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay degmada ka jiraan biyo la’aan iyo caafimaad-darro baahsan.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq, Ibraahim Aadam Buulle, oo u warramay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in degmada Ceelwaaq iyo tuulooyinka ku dhow ee dhulka miyiga ah ay ka jiraan biyo la’aan sababtay dhimashada ugu yaraan hal qof.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in caafimaad-darro ay ka jirto degmada iyo deegaannada ku dhow dhow, iyadoo uu xusay in aanu jirin wax adeeg caafimaad ah oo ay helaan bulshada halkaas ku nool.

Ibraahim Aadam Buulle ayaa tilmaamay in cudurka shuban-biyoodka uu ka dillaacay tuulooyin ku dhow Ceelwaaq, isagoo xaqiijiyay inay jiraan dad la il daran xanuunka, balse tiradooda ma aanu sheegin.

Dadkaas ayuu sheegay in loo qaado dhanka dalka Kenya, si loogu soo daweeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com