Daawo Sawirada: Xaflad Lagu Taageerayay Ansixinta R/wasaaraha Iyo Golaha Wasiirada Cusub Oo Ka Dhacday Magaalada Istanbuul.

0

Istanbul (AGGM): Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalad Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay qabteen xaflad lagu taageerayay Ansixinta R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Golihiisa Wasiirada Cusub.

Munaasabadan  ayaa waxaa isugu yimid dhamaan Odoyaasha dhaqanka, Ardayda iyo qeeybahaba kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana madashaas laga jeediayay khudbadi kiciyay shucuurta dhamaan daki kasoo qeybgalay.

Gudoomıyaha Jaallıyada Soomaaliyeed ee dalka Turkıga Mudane Xoosh Cabdi Adan Dalal ayaa waxa uu u mahadnaqay dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay munaasabada lagu taageerayay R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada, waxa uuna ka codsaday dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba in ay la shaqeeyaan R/wasaaraha Cusub iyo Golihiisa Wasiirada si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday.

Isku soo wada duuboo Munaasabadan ayaa waxa ay ku soo gaba gaboowday jawi wanaagsan lehna farxad.

xoosh

6666

ss

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com