Top News: Mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Ximan Iyo Xeeb Oo Gaaray Magaalada Garoowe.

0

Garoowe (AGGM): Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland,waxaa goor dhaweyd gaaray wafti ka socda maamulka Gal-mudug iyo Ximid iyo Xeeb.

Mas’uuliyinta labada maamul ka socda waxaa ay ka qeyb-galaya munaasabada caleemo saarka madaxda Puntland oo berri dhacaysa.

Wararka aynu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in duhurnimadii maanta ay magaaladaasi gaareen wafdiyo ka kala socda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo xeeb, kuwaas oo berri uga qeybgalaya Garoowe xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Waftigaan ayaa socdal dhanka lugta ah ku gaaray Garoowe, waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyin ka socda dowladda Puntland, waftiga Ximin iyo Xeeb,waxaa hoggaaminaya madaxweynaha maamulka,halka sidoo kale Galmudug ay ka socdaan wasiirro,waxaana garoonka diyaaraddaha ka soo deggaya goor dhow madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid.

Mas’uuliyin kale ayaa iyaguna duleedka magaalada u baxay si ay halka uga hortagaan wafti ballaaran oo ka socda dowladda deegaannka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa iyaguna goor dhow la sugaya inay garoonka diyaaraddaha ee Garoowe ka soo deggaan,wafti ka socda maamulka iyo dowladda faderaalka Soomaaliya, waftika dowladda faderaalka Soomaaliya ka socda waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com